Dagaalamayaal Shabaab ah ayaa waxa ay gaareen magaalada Xudur ee gobalka Baay kadib markii ay baneyeen ciidamada Ethiopia oo halkasi saldhjigya kulahaa.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay xaqiijiyeen in magaalada lagu arkayo dagaalamayaasha Shabaab oo qaarkood afku u duubanyahay oo dhex heehaabaya magaalada inkasta oo wali wax dhibaata ah oo shacabka ay u geesteen aan la sheegin.
Gelitaanka Shabaab ee magaalada Xudur ayaa waxa ay yimid kadib markii ciidamada Ethiopia ay baneeyeen magaalada maamulkii dowlada Soomaaliyana uu kadaba qaxay ciidamada Ethiopia oo goobta iyagu ku ilaalin jiray.
Magaalada wax dagaal ah kama dhicin sida ay goob joogayaashu xaqiijinayaan, waxaana walaac aad u badan uu soo wajahay dad badan oo magaalada iyaga oo aan ogeyn Shabaabku soo galeen.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com