Saraakiil iyo Ciidamo ka socda AMISOM
ayaa maanta markii u horeysay gaaray Gobolka Galgaduud, iyadoo si weyn loogu
soo dhoweeyay degmada Guriceel, waxaana u sii gudbeen degmada Dhuusa Mareeb ee
Xarunta Galgaduud.
Ciidamadan oo ku hubeysnaa gaadiidka
dagaalka ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Gobolada Dhexe
Col. Cusmaan Dubad, iyadoo dadweyne kula hadlay degmada Guriceel u sheegay in
howl galka AMISOM lagu ballaarin doono gobolada dhexe.
Boqolaal dadweyne oo wadooyinka
taagnaa ayaa calamo qoyan u lulayay, waxaana saraakiishan iyo ciidamadan soo
dhoweeyay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo Saraakiisha Ahlusuna, iyagoo u
gudbay degmada Dhuusa Mareeb.
Ciidamadan iyo saraakiisha ka socda
Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa noqonaya kuwii u
horeeyay ee gaaray Gobolka Galgaduud oo deris la ah Gobolka Hiiraan oo ay
Ciidamadan ku sugan yihiin.
Dhowaan ayay aheyd markii Maamulka
Ahlusuna ee Gobolada Dhexe ay ka dalbadeen in la keeno Gobolka Ciidamo AMISOM
ah si ay uga howl galaan, waxaana Culumaa’udiinka Ahlusuna tan iyo sanadkii
2008-dii ay dagaalo kula jireen Xoogaga Al-Shabaab oo qeybo ka mid ah Galgaduud
ka talisa.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
.jpg)