Wafdi Wasiiro ah oo uu hogaaminayo
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta
gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, iyadoo wafdigan uu wehliyo
Gudoomiyihii hore Gobolka Baay C/fataax Geesey, kaasoo ku gacan seyray xil ka
qaadis bishii hore lagu sameeyay.
Sida ay sheegayaan wararka wafdigan
ayaa waxaa xubno ka ah Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo
Saraakiil, waxaana haatan kulamo ku leeyihiin Madaxtooyada Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in haatan ay
socoto qaban qaabo ku aadan munaasabad xil wareejin ah oo ay xilalka ku kala
wareegayaan Gudoomiyihii hore C/fataax Geesey iyo Gudoomiyaha KMG ee Gobolka
Baay Cabdi Aadan Hoosow, oo dhowaan wareegto ka soo baxday Xafiiska
Madaxweynaha oo uu ku saxiixnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari lagu
magacaabay.
Gudoomiyihii hore Gobolka Baay
C/fataax Geesey oo ku gacan seyray xil ka qaadista ayaa kadib loo soo kaxeeyay
magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in wada hadalo kadib lagu qanciyay inuu
xilka wareejiyo.
Kulamo ammaanka looga hadlayo oo ku
aadan sidii la isu waafajin lahaa maamulka cusub iyo maamulkii hore ayna uga
shaqeyn lahaayeen ammaanka ayaa ka socda Madaxtooyada, waxaana shirka ka qeyb
qaadanaya saraakiisha ciidamada xooga dalka iyo AMISOM.
Wasaarada Arrimaha gudaha ayaa horay
u sheegtay in maamul KMG ah ay u sameyneyso gobolada iyo deegaanada laga saaray
Al-Shabaab, waxaana maamuladan la filayaa inay muddo 6-bilood shaqeeyaan, si ay
ugu gogol xaaraan maamul dadka deegaanka ay soo doortaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
