Dadka deegaanka ayaa sheegaya in degmada ay duhrunimadii ay soo galeen ciidamo watay gaadiidka dagaalka, kadibna ay magaalada soo gaareen ciidamo fara badan oo uu hogaaminayay Abuu Mansuur.
Gudoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Gobolada Bay iyo Bakool Sheekh Mahad Cabdikariin ayaa sheegay in si buuxda ula wareegeen degmada Xudur, isla markaana Ciidamada Itoobiya ay dagaal uga saareen.
“Iyagoo duleysan ayay halkan ka baxeen, gacanta mujaahidiinta ayay hada si buuxda ugu jirta, muddo sanad oo maalmo dhiman ayay ku sugnaayeen, intaas xabada mujaahidiinta ayaa ku waday, halkan waxay qabsadeen 22-kii bishii 3aad ee sanadkii hore”ayuu yiri Waaliga Al-Shabaab ee Bay iyo Bakool.
Maamulkii dowladda ee Gobolka Bakool ayaa isaga baxay degmada, kadib markii ciidamada Itoobiya xalay bilaabeen inay ka qalab rarteen saldhigyadii ay ku lahaayeen Xudur, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn sababaha ay uga baxeen, inkastoo aan wax cusub aheyn in Ciidamada Itoobiyaanka ay isaga baxeen deegaano ay soo galeen, waxaa la xusuustaa inay sanadkii hore ka baxeen degmada Ceelbuur oo horay u qabsadeen.
Dhinaca kale wararka caawa laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Xildhibaanada baarlamaanka ee gaaray shalay magaalada ay kulamo la leeyihiin Saraakiisha Itoobiyaanka, waxaana wararka qaar sheegayaan in Itoobiyaanka isaga bixi rabaan Baydhabo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
