Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal
hambalyo ah u diray Ra’isulwasaaraha cusub ee ku guuleystay doorashada Dalka
China Li Keqiang, ayadoo Madaxweynahana
uu rajo ka muujiyey xiriirka Soomaaliya iyo China.
Warsaxaafadeed
ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha oo ku qornaa Afka Ingiriiska ayuu Madaxweyne
Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay inuu si aad ah ugu hambeelyeeynayo R/wasaaraha
cusub ee dalka China Li Keqiang,
‘’Dowlada
Soomaaliya iyo shacabkeedaba waxeey kuusoo dirayaan hambalyo Soomaaliya iyo
China waa saaxiibo marka dib loo raaco xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeyay
labada dal, wxeynu diyaar u nahay ineynu sii ambaqaadno wadashaqeynta aynu la
yeelaneyno hoggaanka cusub ee dalka China’’ Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Xasan
Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wanaajinta xiriirka cusub ee Soomaaliya
ay la yeelaneyso caalamka ay tahay mid ka mid ah Lixda Tiir ee dhismaha u ah dowlada Soomaaliya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
