Ra’iisal Wasaaraha oo soo dhoweeyey sii deynta Weriye Cabdicasiis

Monday, March 18, 20130 comments



Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa soo dhoweeyey sii deynta weriye Cabdicasiis Ibraahim Koronto oo in muddo ah ku jiray xabsiga.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday maanta oo ay taariikhdu tahay March 17, in la sii daayay weriye Koronto, waxayna arrintani ka dambeysay kadib markii maxkamada racfaanku dib u-furtay dacwadiisa. Ra’iisal Wasaaraha oo arrintas soo dhaweeyay ayaan horaan ka dalbaday hay’adda garsoorka in dacwada weriyaha la marsiiyo wado waafaqsan sharciga.

“Runtii waa talaabo wanaagsan, sii deynta weriyaha, waana soo dhoweyneynaa” ayuu yiri R.wasaaraha oo intaasi ku daray in dawladdu ay adkeyneyso balanqaadeeda ku aadan illaalinta xuquuqda wariyeyaasha iyo xurmeynta xorriyadda qawlka.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa xusay inuu si weyn hoos ugu dhacay weeraradii loo gaysan suxufiyiinta ayna wali taagan tahay abaalmarintii $50,000 (konton kun oo Dollar) ee lagu bixinayay cidii soo sheegta dhagar qabayaasha wax-yeelada ugu gaysta wariyeyaasha. Wuxuuna kula dardaarmay bahda warfaafinta inay ka qeybqaataan dib u-dhiska iyo horumarinta dalka, si loo helo nabad iyo xasilooni waarta.
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog