Saxafiyada magaca iyo maamuuska ku dhex leh Bulshada Soomaaliyeed ee Aamina Aamino Muuse oo Dib u Xasuusatay Wayaheedi Fanka + Video

Wednesday, March 13, 20130 comments



Talifishinka HCTV xafiiskiisa London ayaa Barnaamij xiisa badan oo soo dhoweyn ah u sameeyay saxafiyada magaca iyo maamuuska ku dhex leh Bulshada Soomaaliyeed ee Aamina Muuse Wehliye oo ka mid noqotay shaqaalaha Talefishinkaas.

Barnaamijka oo uu daadihinayay Wariye ama Abwaan Cali Seenyo ayaa waxaa dadkii daawaday ay soo xusuusteen barnaamijkii tahniyadaha ee Aamino Muuse ay ka daadihin jirtay BBC Somali ee ay isla wadi jireen Wariyaha Caanka ah ee Soomaaliyeed Axmed Xasan Cowke kadib markii ay la kala baxday aftahanimadii lagu yiqiinay waagii iyada iyo Cowke ay isla wadi jireen Barnaamijkaasi Salaamaha BBC da.

Dadka qaar waxa ay isku sheegayaan in Cali seenyo uu yahay wariye sida Cowke Camal ah oo la fahmay qaabka daadihinta barnaamijyada madadaalada oo aamina ay aad ugu fiican tahay, waxaana si qoto dheer uu u soo xusuusiyay doorkii ay ku laheyd fanka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta jiliinka ruwaayadaha oo dad badan oo aan u aqoon in ay fanaanad tahay ay lama filaan ku noqotay.

Wariye Aamino Muuse oo Aftahanimada dhinaca Saxaafada ay ugu horeysay jiliinka ruwaayadaha ayaa si weyn ay ula dhaceen taageerayaasheeda qaabka ay ugu soo muuqatay Tv HCTV oo ay sheegeen in ay la soo baxday qaab daadihintii barnaamijyada BBC Soomaali oo waayadaan aanan lagu arkin gaar ahaan intii ay ka shaqeynaysay Universal TV waxaana ay sabab ugu dhigayaan Intii ay Universal joogtay ay la shaqeynaysay dad da,yar oo aan wax badan kala socon tariikhdeedii hore islamarkaasna aanan waayarag ku aheyn qaab daadihinta Barnaamijyada Madadaalada oo ah waxyaabaha Aamino ay ku dheerayso Madaama markeedii hore ay aheyn fanaanad wax ka jili jirtay Ruwaayadihii qiimaha badnaa ee lagu wacyi galin jiray Bulshada Soomaaliyeed.

















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog