Labada Jilaa filinka Asad ee ah walaalaha da'da yar ee Soomaaliyeed ee lagu
kala magacaabo Harun iyo Ali Mohamed ayaa filinkooda ASAD kaga qeybgalay
abaalmarinta Oscars Academy award ee ah tan ugu weyn dunida , waxaana ay
caruurtani ahaayeen qaxooti Soomaliyeed oo dalka South Africa ku nool laakiin
jilay taariikhda saxda ah ee noloshoodii , oo ah mid ku saabsan xili ay
kaluumeysan jireen balse laguq asbay inay noqdaan burcad badeed.
Caruurtaan oo filinka u jilay qaab
lala dhacay oo runtii cajiib ahaa ayaa waxaa filinkani soo saaray labada
director ee lagu kala magacaabo Bryan Buckley & Producer Mino Jarjoura,
ayagoo waliba caruurta ula ambabaxay dalkaasi Mareykanka si ay goobjoog uga
ahaadaan xarunta Hollywoodka ee ay abaal marinta ka dhaceysay.
Filinkan oo ah mid sheeko gaaban ah
ayaa waxuu qabsaday caalamka waxaana uuku guuleystay abaalmarinno inkastoo uu
ku gacan seyray Oscarka. Waxaana labadan wiil ee Cali iyo Haaruun u suurto
gashay in ay ka qeybgalaan Munaasabad xiddiga dunida ugu caansan lagu siinayay
abaalmarin waana Roogga cas ee Los Angeles
iyadoo si aad ah loogu soo labisay , waxeyna noqdeen xiddigo oo waxaa
adkaatayba sida loola kulmo iyadoo lagu keenay gawaarida kala jiidan ee
raaxada.
Hadaba filinkani Asad ayaa ah mid ka
turjumayo qisada caruur badan oo Soomaaliyeed oo la caskareeyay, kuwaasoo
badaha ku yaacay waxaana filimkani uu caalamka gaarsiinayaa xaqiiqda ka jirta
dalka
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com

