Scotland: Nin jir-dilay wiil Somali 12 sano jir ah oo maxkamada lasoo taagay

Friday, March 1, 20130 comments


Maxkamada Magaalada Glasgow ayaa shalay la horkeenay John Cassidy oo ah ninka jirdil u geystay oo madaxa uga joogsaday wiil Soomaali ah oo 12 sano jira.

John Cassiday ayaa la sheegay inuu jirdilay oo madaxa uga joogsaday wiilka Soomaali ah oo 12 sano jira kadib markii uu cunugaasi Soomaaliga ah candhuuf uu ku tufay wadadii uu marayey.

Ninkan ayaa xiligaasi watay gaari jidka marayey, kadibna intuu kasoo degtay gaariga oo uu baacsaday wiilkan Soomaaliga ah jirdil xoogleh u geystay, wiilka Soomaaliga ah ayuu kadib madaxa uga joogsaday, sida shalay maxkamada magaalada Glasgow laga horcadeeyey.

Wiilka Soomaaliga ah oo Maxkamada yimid si uu ugu markhaati kaco ninkan jirdilka u geystay ayaan shacabka wajigiisa la tusin maadaama uusan qaan-gaar ahayn isla markaana uu yahay 12 sano jir. Wiilkan Soomaaliga ah ayaa sidoo kale ah cunug jiran oo qaba cudurka Kansarka ee loo yaqaan (leukaemia), xiligaasna ay u socotay daawooyin badan.

Wiilkan Soomaaliga ah oo Maxkamada ka hadlay ayaa sheegay in xiligii weerarka lagu soo qaaday uu la socday saaxiibadiisa isla markaana ay ka yimaadeen xarunta lagu dabaasho ee Springburn Leisure Centre oo ku taal magaalada Glasgow. Wuxuuna sheegay in xiligaasi uu hayey calool xanuun, wuxuuna sheegay inuu xanjo uu cunayey uu dhulka ku tufay, kadibna uu ka war helay ninkan oo weerar kusoo qaaday.

Ninka falkan geystay ayaa ku dhawaaqayey erayo isir naceeb ah ama cunsuriyadi ka buuxdo, sida ay sheegeen saaxiibadii wiilkan oo iyaguna ka hadlay qaabka falkan u dhacay.

“…Aniga dhulkaan ku dhacay waana suuxay, balse ma ogeyn wixii kale oo uu igu dhuftay…” ayuu yiri wiilkan yar ee Soomaaliga ah, balse waxaa la sheegay in wiilkan markuu suuxay uu ninkan madaxa uga sii joogsaday oo madaxa laad iyo feer kala dhacay wiilkaasi 12 sano jir ah.

Maxkamada magaalada Glasgow ee Sheriff Court, ayaa sheegtay in ninka maxkamada lasoo saaray oo lagu magacaabo John Cassidy lagu helay danbiga, isla markaana dhawaan lagu dhawaaqi doono xukunkiisa.

Falkan isirnaceebka ah ayaa si weyn u cabsi geliyey dadka ajaanibta ah ee ku dhaqan magaalada Glasgow ee gobalka Scotland ee dalka UK.

Reerka Soomaaliga ah ee dhalay wiilkan yar ayaa hada u guuray magaalada London, kadib markii uu raad xun oo isugu jira cabsi iyo hurdo xumo uu wiilka Soomaaliga ah ka dhaxlay weerarkaasi lagu qaaday.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog