Daawo Muuqaalka Imaam 84 Jir Ah Oo Si Toos Ah Loo Qarxiyay Isagoo Masaajid Wax Ka Wacdinaya

Wednesday, March 27, 20130 comments



Masjid ku yaala caasimada dalka Syria ee Damascus laguna magacaabo Omayad-Masjid ayaa waxaa gudaha u soo galay ruux walxa Qaraxa isku soo rakibay dabadeedna u dhawaaday goob uu Wacyi ama Qudbo Diini ah ka waday Imaamka ugu weeyn dalka Syria Allaha u naxariistee Sheekh Mohammed Said Ramadan Al -Buti.

Sheekh Mohammed Said Ramadan oo 84 jir ahaa si weeyna dhanka Diinta Islaamka looga qadarin jiray dalka Syria waxaa goobtii kula geeriyooday Wiil uu Awoowe u ahaa iyo 48 qof oo kale kuwaas oo dhageesanayay Cashiro Diini ah oo uu mudo aad u fog dhiibi jiray Marxuumka.

Sheekhaan oo Sunni ahaa wuxuu dhoor jeer ku baaqay inay xaaran cad tahay Qof Islaanimo sheeganaya oo hadane naftiisa dila waliba sii marta naf kale oo uu Ilaaheey uumay. Arinta Dunida Islaamka ah ka yaabsatay ayaa waxa ay tahay Kutaabkii Sheekh Mohammed Said Ramadan oo dhiig leh iyo Ookiyaalkiisii oo goobta ku haray.

Qaarajinta Culumada Diinta Islaamka soo baratay iyo dadka bulashada wax tarka u leh ayaa si weeyn waxay uga socotaa dalal badan oo ay Somalia ku jirto.

Madaxweeynaha dalka Syria Mr.Bashar Al Asad ayaa ku dhawaaqay baroor tiiq loo sameenayo Allaha u naxariistee Sheekh Mohammed Said Ramadan wuxuuna Madaxweeyne Asad u diray Janaasadii Sheekha lagu tukanayay mid ka mid ah Wasiirada ugu sareeya Dawladiisa.




















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog