Sida
la shaaciyay Habeenimadii Jimcaha oo ku beegnayd 22 Bishan March ayaa waxaa
xafada Cedar Magaalada Minneapolis ee Somalidu ku badantahay laga maqlay Xabado
abaare 10:30 fiidnimo, waxana dadka ay waceen Police ka . si ay u war galiyaan
rasaastaasi dhaceysa waxay tahay.
Police
magaalada Minneapolis oo soo gaadhay Xafada Cedar khasatan 1515 S. 4th st ayaa
waxa ay la kulmeen Nin dhaawac ah kaas oo ay u qaadeen dhinaca Hennepin
Hospital.
Ninka
ay u malaynayaan inuu gaystay Dhaawaca ayaa isagu khasab ku galay Guri kale
kaas oo Afduub ahaan u qabsaday Haweenay ku jirtay gurigeeda Saacado badan ka
dib iyo wada hadal iyo gor gortan ka dib waxa uu Afduubihii ogolaaday inuu sii
daayo haweenaydii Subaxnimadii hore ee Sabtida shalay.
Mar
ay Police-ka dib ugu noqdeen goobtii uu Afduubuhu ku sugnaa oo ay ka waayeen
wax jawaaba ayay u tageen Afdubaha oo isagu is dilay. Police Minneapolis wax
faah faahin ah kama bixin siday wax u dhaceen iyo magacyada Dadka wax kasoo
gaareen dhacdada Cedar ka dhacday.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com