Daawo: Raxan doonyo ah oo ay saaran yihiin Muhaajiriin oo ka yaabiyay Ciidamada badda Talyaaniga.

Sunday, March 31, 20130 comments



Tiradii ugu badnayd muddooyinkaan oo ah dad muhaajiriin ah ayaa gaaray Xeebaha wadanka Talyaaniga ee Magaalooyinka Sicilia iyo Lampedusa dadkaasi oo tira ahaan lagu qiyaasay ilaa 700 oo u badnaa Afrikaan kuwaasi oo u jeedaadoodu ahayd raadinta goob kamid ah Yurub oo ay ku badbaadaan.

War jaraa id oo ay soo saareen Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa lagu sheegay in maalinimadii Jimcah ahayd ay ku istaajiyeen Xeebta u dhaxeeysa Talyaaniga ee waqooyiga Afrika Dooni ay la socdeen dad Muhaajiriin ah oo saarnaa 10 doonyood oo ahaa kuwo khafiif iyo xosh xosh isugu jira.

Hal doon ayaa waxaa saarnaa oo ka buuxay 150 qof kuwaasi oo meel 80 Mile u jirta Xeebta Jasiirada Sicilia ee Lampedusa ka soo wacay ciidamada Badda talyaaniga , waxaana si dag dag ah loogu diray Maraakiib iyo diyaarado helicopters ah si ay dadkaasi Muhaajiriinta ah u soo badbaadiyaan.

Doon kale oo ay saarnaayeen dad gaaraya 70 ruux ayaa iyana la soo badbaadiyay iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ciidamada Talyaanigu istaajinayeen dhawr doomood oo qaar kood ay bacyaal ka samaysnaayeen halka kuwo kalena ahaayeen Alwaax iyo waxyaabo kale oo la isku xir xiray kuwaasi oo aan xamili Karin culayska iyo xajmiga dadka .

Xeebaha wadanka Talyaaniga waxaa caado ka ah in ay dhinaca badda uga soo safraan dadka Muhaajiriinta ah ee ku nool wadamada Afrika iyo dhulka saxaraha ka hoose iyadoo ay tobonaan kun ku dhinteen safarada khatarta ah ee dhinaca badda ee looga soo talaabayo badda Maditerranean ka, Waxaana natiijada ka dhalata ay noqotaa shilal sababa quusida Doonta, Cunto la aan ,Biyo la aan iyo xaalada oo ku adkaata dadka muhaajiriinta ah ee faa iidoonka ah.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa waxaa kale oo ay sheegeen in doon dherekeedu yahay 15 Mitir oo siday 98 qof oo Muhaajiriin ah kana yimid Dhulka saxaraha ee qaarada Afrika in ay ciidamadoodu ku istaajiyeen meel 96 Mile u jirta Xeebaha Talyaaniga ee Jasiirada Lampedusa , Waxaa kale oo ay shaqaalaha badbaadinta Muhaajiriinta Talyaanigu heleen taleefan si dag dag ah uga yimid doon ay saarnaayeen 131 qof oo ka

kala yimid wadamada Afrika , Bakkistaan iyo Bangladesh meel u dhaw Lampedusa iyadoo dadkaasi la keenay isla jaziirada L:ampedusa.

Habeenkii Xalay waxaa ay Ciidamada ilaada Baddu soo badbaadiyeen 31 ruux oo ka kala Yimid dalka Marooko iyo afrikada kale ee saxaraha ka hooseeysa kuwaasi oo saarnaa dooni ka soo socotay dhinaca Koonfureed ee Jaziirada Sicilia kuna sii jeeda dhanka Lampedusa, Waxa akale oo ay Ciidamada Talyaanigu 48 dii saac ee la soo dhaafay qabteen shan doonyood oo ay saarnaayeen Muhaajiriin tiradoodu gaaraysay 214 ruux.

Dhamaan dadkaasi Muhaajiriinta ah ee gaaraya 700 oo ruux ayaa lagu hayaa xarumaha soo dhaweeynta ama qaabilaada Sicilia iyo Lampedusa , Iyadoo sanadkii 2011 lagu qiyaasay dadka ku nafwaayay badda Mediterranean ka 1,500 oo ruux kuwaasi oo intooda badan isku dayayeen in ay ka baxsadaan kacdoonka wadamada carabta ee waqooyiga afrika , halka sidoo kale laga soo xigtay Hay’ada Xuquuqda aadanaha in 2012 kii lagu qiyaasay dadka ku dhintay Xeebahaasi in kabadan 300 oo ruux.

Ilaa iyo hada lama sheegin hadii dadka doontai saarnaayeen ay ku jireen dad Soomaali ah iyo tirada rasmiga ah ee ay ka koobnaayeen, Waxaana jira in tiro aad u badan oo ah dad Soomaaliyeed ay maanta ku gaajoonayaan islamarkaana ku silicsan yihiin Wadamada waqooyiga Afrika gaar ahaan Liibiya kuwaasi oo aan ka ganbanaynin in ay isku soo biimeeyaan Safarka halista ah ee doomaha kontorobaanka ahi ku soo qaadayaan, dadkaasi oo u arka in ay nolo ka duwan tan ay ku nool yihiin ay ka heli karayaan wadamada Yurub.



















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog