Ma Ahan markii ugu horeysay oo ay dad soomaaliyeed oo tahriibayaal ah ay si sharci daro ku galaan dalka Australia Laakiin waayadaan danbe ayay soo badanayeen dadka ka tabriibo dalka Indonesia oo kusii qulqulayay wadankaasi Australia Iyadoona ay bada aheyd mid jawigeed uu aad u daganyahay.
2 usbuuc ka hor ayay aheyd markii ay galeen tiro soomaali gaaraysa 148 ruux oo soomaali ah iyadoona shalay oo sabti aheyd sidoo kale soomaali iyo suudaaniyiin gaaraya 37 qof ay galeen Dalka Australia.
Sideey ku soo waramayaan wariyayaasha gubtanews.com ee dalka indonesia, Dalka Qaniga ah ee Australia ayaa u muuqdo mid aad loogu qulqulayo , iyadoo dadka soomaalida ee u tahriibi jiray wadanka Talyaaniga ay noqdeen kuwa ka cabsada dhulka saxaraha ah ee nafta lagu soo biimeyn jiray , kadib markii ay ka dilaaceen dad kilyaha iyo beerka kala baxa tahriibayaashii dhibaataysnaa.
Wixii Warar Ee Kusoo Kordha Tahriibayaasha Ka Baxa Dalka Indonesia Kala Soco Xafiiska gubtanews Jakarta -Indonesia.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com