Daawo Sawirada Nikii ugu da’ weynaa ee taariikhda dugsi sare ka qalin jebiya isaga oo howl gab ah

Sunday, March 10, 20130 comments



Oday 106 jir ah oo lagu magacaabo Fred Butler ayaa waxa uu qaatay shahaadadiisa dugsiga sare iyada oo ay xafladii qalin jebintiisa kasoo qeyb galeen masuulyiin fara badan oo lagu casuumay.

Fred Butler ayaa waxa uu ka sheegay xaflladii shahaadada lagu gudoonsiinayay in uusan waligiis ku riyoon in uu shahaadasaadi qaato, waxaaana odaygaan wax barashadii yaraantiisii hakad geliyay hooyadii iyo shan caruur ah oo ka yareed oo uu u xamalayay.

XilIgii shahaadada lagudoonsiinayay ayaa ninkaani waxa uu ku fadhiyay baaskiilka dadka cuuryaanka iyo wayeelka ah lagu kexeeyo isaga oo wajigiisa laga dareemay farxAda tii ugu weyned abid

Ninkaan ayaa waxa uu ku Dhashay magaalada Dorchester ee dalka Mareykanka 1906-dii waxa uuna ku barbaray Beverly, Waxa uu ka shaqo bilaabay madbacad oo uu subaxii ka shqen jiray isaga oo galabkiina wax baranayay ugu danbeynna markii shaqadii ku cuslatay uu isaga tegay wax barashadii.




















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog