Actor-ka caanka ah ee Super Star
Salman Khan ayaa mashquul badan kadib sheegay inuu u duulayo dalka Mareykanka
si baaritaan caafimaad loogu sameeyo, isagoo dhowr jeer horay uga dib dhacay
balamo u yiil.
Salman waxa laga hayaa neerfaha,
waxeyna balantu eheed in mar hore uu sameeyo baaritaankaan, laakiin
mashquulkiisa oo badan darteed uma aysan suuro gelin, ha yeeshee hada ayuu
go'aan qaatay.
Actarkan oo hada jadwalkiisu yahay
mid buuxa, waqti badan kuma qaada doono Mareykanka, waxa uuna soo laabanayaa
maalmo kadib.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
