Daawo Sawirada Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo Garoowe kula kulmay Madaxweynaha Puntland

Sunday, March 10, 20130 comments



Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta 09 March,2013 garoonka diyaaradaha Garowe ku soo dhoweeyey wafdi ka socdey DF Somalia uuna horkacayey raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’.

Wasiiro ,Xildhibaano ,dhalinyaro ,haween iyo dadweyne kale ayaa ku soo dhoweeyey raysal wasaaraha DF Somalia oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka socdey golayaasha DF Somalia oo watay boorar muujinaya inay taageersanyihiin nidaamka Federaalka ah.

Dhinaca aqalka Madaxtoyada Garowe ayaa loo soo galbiyey oo uu kula kulmey madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole.
ka dib qado sharaf ka dhacdey Madaxtoyada Garowe ayay saxaafada wadajir ula hadleen madaxda DF Somalia iyo Puntland,waxana uu ka sheekeeyey madaxweyne Faroole kaalintii ay Puntland ka soo qaadatay hirgelintii geedi socodka RoadMapka oo lagu dhisay xukuumadda haatan jirta.

Puntland inay marweliba u taagantahay midnimada umadda Soomliyeed ayuu ku ceshay Faroole oo sheegey inay wadahadal la gali doonaan DF Somalia.

Dhankiisa ayuu ka mahadceliyey qaabka loo soo dhoweeyey raysal waasaraha Somalia oo sheegey inuu ku faraxsanyahay booqashada uu ku yimid Puntland.

Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyey inay guul ku dhamaato wadahadalka ay la galayaan Puntland oo uu uga mahadceliyey siday uga qayb qaadato nabad ku soo dabaalida Somalia.

Sidoo kale Saacid Faarax Shirdoon ayaa markii ugu horeysey maanta soo gaarey deeganada Puntland tan iyo markii uu xafiiska yimid October 2012 ,waxana lagu wadaa maalmaha soo socda inuu kulamo kala duwan la yeesho madaxda iyo masuuliyiinta dowladda Puntland.
































_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog