Daawo Sawirada’’ Suuqan Quruxda badan ee katirsan Bakaraha sida uu ahaan jiray Bilo kahor iyo sida uu hada yahay

Thursday, March 21, 20130 comments



Magaalada Muqdisho tan iyo markii isbadalka ku yimid soona iftiintay nabadii waa hore luntay ayaa waxaa isbadalay waxyaabo aad u badan iyadoona Magaalada aay noqotay mid hor maro badan ku tilaabsatay.

Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa uga Weyn Soomaaliya ayaa ka mid ah goobaha isbadalka badan uu ku yimid iyadoona Suuqa la hor mariyay lana dhisay qeybo badan oo kamid ah sidoo kale suuqa kusii fiday goobo badan oo markii hore xaafado ahaa.

Sawiradan aan soo bandhignay Waa Suuq Cusub oo lagu Iibiyo Bacadlaha sidoo kale waxaa ku yaala carwooyin waa weyn halkan bilo kahor sidan uma qurux badneen waana halkii lagu iibin jiray Badarka gaar ahaan Galeeda waxa uuna ku yaal Suuqaan Cusub agagaarka halka loo Yaqaan Sarta Sheekh Cali Dheere ama Suuqa Sarifka.

Goobta Suuqan hada ka furan yahay markii hore waxaa ku yaalay Makiinado badarka lagu shiido iyo sidoo kale Suuq isna lagu iibiyo xargaha iyo Caagadaha ,waxaa sidoo kale Haweenka ee ku iibin jireen Badarka nuucyadiisa kala duwan ee kasoo go’ Beeraha Dalkeena.

Sidoo kale Goobihii Bakhaarada badarka ahaa hada waxaa badalay Daaro Qurux badan oo laga furay Carwooyin waa weyn waxaana qofkii hada taga shaki ka galayaa Suuqan goobta uu ku yaalo iyo sidii uu ahaa bilo kahor.

Daawo Sawirada Sidii Hore uu ahaa Suuqaan









 Daawo Sawirada sida uu yahay hada Suuqan 



































_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog