Janaraal Cabdulqaadir Cali Diiriye Subxaanyo oo ah Masuul sare oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya oo ka jawaabay Dadkii lagu laayay Muqdisho (Daawo Muqaal+Warbixin)

Thursday, March 21, 20130 comments


Masuul sare oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inuu si la yaab leh oo ay adag tahay inay dad badan oo Soomaaliyeed ay rumeystaan uu ku macneeyay hab dhaqankii Xumaa ay dhawaantaan ku kaceen ciidamada dowlada kaas oo ay ku dileen dhalinyaro ku jirtey xabsiyada dowlada ka dibna ay meydkooda soo dhigeen xaafadaha magaalada Muqdisho.
  
Janaraal Cabdulqaadir Cali Diiriye Subxaanyo oo ka mid ah masuuliyiinta ugu sareysa ee ciidamada dowlada Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay inuu difaacay islamarkaana uu sabab aan macquul ahayn u sameeyey arin ay la yaabanaayeen dhamaan dadka Soomaaliyeed ee ahayd in dhalinyaro ay qabteen qeybaha amaanka ee magaalada Muqdishu islamarkaana lagu ogaa inay ku xiran yihiin xabsiyada qeybaha amaanka lagu arkay meydadkooda oo yaala meelo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdishu, Janaraalka oo dhawaantaan marti u ahaa barnaamijka dhacdooyinka ee Telefishinka Soomaali channel ayaa waxaa uu arintaas sabab uga dhigay in ragaas la toogtey ka dib markii ay isku dayeen inay baxsadaan ciidamo waday arintaas oo run ahaantii ah mid shaki weyn laga muujin karo maadaama sida lala socdo qofka maxbuuska ah uu yahay mid xiran ama katiimadeysan marka ay booliiska ay wadaan taas oo ayna adag tahay inuu isku dayo maxbuuskaas inuu ka baxsado booliiska wado xilligaas

Ugu dambeyntiina iyadoo arintaas sida ay u dhacday iyo waxa sababay inay dowladu ay u dhaqanto hab dhaqanka Al shabaab lagu yaqaanay aysan wali kala cadeyn ayaa waxay dadka Soomaaliyeed ay sugayaan baaritaan la sheegay in lagu sameyn doono arintaas waxa ka soo bixi doono, Falalka noocaas ah ee ay ku kaceen ciidamada amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa waxay sabab u noqon karaan in maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ay sharciyeystaan dhiiga dadka Soomaalida iyagoo mar mar siiyo ka dhiganaayo inay u argudayaan dad laga laayey sidii dhacday dhawaantaan oo ay geysteen qarax ay ku dhinteen dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.  





Daawo Muuqaal Ahaan Musuulka Jawaabta oo ka Bixyay dilka ka Dhacay Muqdisho













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog