Askarta
la dilay oo lasheegay in ay ahaayeen ciidan ku jiray tababar waxa ayna ku sii
jeedeen wasaarada Gaashaandhigga oo la sheegay in ay ku tababaarn jireen, iyada
oo wararku intaa ku darayaan in aysan hubeysneyn ,dilkooda ayaana ka dhacay
inta u dhaxeesa Wasaarada gaashaandhiga iyo Kuliyada Jaalle Siyaad.
Kooxda
dishay oo sedax nin kakooban ayaa lasheegay in ay uga soo bexeen dhanka xaafada
Damaanyo ee degmada Hodon kadibna ay garabka lasoo simeen xabadana ku
bilaabeen, iyaga oo durbadiina goobta isaga baxsaday.
Goob
joogayaasha ayaa waxa ay xaqiijinayaan in dilka labadaani askari kadib goobta
ay gaareen ciidamo katirsan meleteriga Soomaaliya oo meydka meesha ka qaaday.
Lama soo tebin baaritaan ciidamadu sameeyeen iyo cid ay u soo qabteen falkaasi.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
