Waxaan ognahay ama fikrad ka heysanaa in xeeb kasta oo caalamka ku taala in ay salka ku heyso badweyn balaaran, hadii aadan waligaa arkin ama maqlin in ay jiri karto xeeb aan wax badweyn ah salka ku heyn, maanta ayaad arki doontaa mid ka mid ah xeebaha dunida ugu yaabka badan isla markaana amakaag ku riday dadyowga caalamka oo idil.
Xeebtaan sawiradeedu hoos idinkaga muuqan doonaan ayaa waxa ay ku taalaa waqooyiga dalka Spain, waxaana ay noqotay mid nuuceeda oo kale dunida uu ku yaryahay maadaama xeebtani aysan laheyn wax bad weyn ah oo ay kasoo burqato, taas bedelkeedana waxa ay salka ku heysaa buuro dhaadheer, si kastaba culimada arimahan ku dheereeya ayaa sheegay in ay tahay xeeb rasmi ah marka biyaheeda la baaray, balse ay mucjiso iyo abuurista awooda ilaahey ay ku noqotay in aysan wax badweyn ah xiriir la laheyn.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com