Daawo Sawiro laga sameeyay Fanaaniin hees ku habaaray Xamar

Tuesday, March 19, 20130 comments



Barta Facebook waxaa buux dhaafiyay Cambaareeyn loo jeediyay Fanaaniinta Cabdi Khasaaro iyo Ikraan Nafyar kadib markii Youtube lagu faafiyay hees ay ku habaarayaan Xamar kuna caayeen Madaxweynaha Somalia Hassan Sheekh Maxamuud .

Sawir gacmeedyo laga sameeyay Nafyar iyo Khasaaroo ayaa lagu taswiiray iyagoo laga dhigay Xayawaanadyo kala duwan.

Labada Fanaan waxay todobaad ka hor soo saareen hees ay ku amaanayaan Hargeysa ,kuna sheegayaan inay tahay Hooyga horumarka iyo Fanka halka ay Xamar ku tilmaamayaan Magaalo Dakaantay.

Heesta Liidata ee labada Fanaan ku habaareen Muqdisho waxaa sameeyay nin degan Hargeysa oo lagu magacaabo Cismaan Feysal.

Hadii aad Facebook gashid waxaa durba indhahaaga arkayaan daqiiqad walba Comments lagu caaynaa, loogu hanjabaa ama lagu cambaareeynaa Ikraan Caraale iyo Cabdi Khasaaro oo markii uu fanka galay la baxay Cabdi Qaboojiye.

Kumanaan kun oo qof ayaa falcelin caay qaawana ku hoos qoray Youtube-ka la soo gelshay heesta.

Inkastoo aan la akhrin karin caayda ku qoran Youtube iyo Facebook hadana waxay Dadweynahu aad u caaynayaan Fanaanada Ikraan Caraaleh,waxayna qaarkood ku sheegeen naag loo isticmaalay inay caayso Caasimadda Jamhuuriyadda Somalia ee qabiilkeeda degaan.
Ikraan Nafyar waxaa dhalay allaha u naxariistee Fanaan Caraale oo u dhashay qabiilka Hawiye .waxayna hooyadeed ka soo jeedaa qabiilka Isaaq.

Shacabka Koofurta iyo Waqooyiga Somalia badankood waxay heesta ku tilmaameen mid Hargeysa laga soo diray ,loogana xun yahay horumarka iyo Nabadda Muqdisho.

Fanaan Cabdi Khasaaro oo la hadlay Website-yo badan ayaa xaqiijiyay in heesta Xamar looga soo diray Hargeysa.

Mu-alifiinta Soomaaliyeed qaarkood ayaa ku dooday in Ikraan Caraale lagu qiyaamay heesta oo lacag la siiyay laakiin erayada ku jira qaarkood ayaa ka dhigan kuwa laga yaxyaxo ,lagana xishoodo.

Heesta lagu habaaray Xamar waxay dhinaca kale ku leeyihiin “Madaxweynaha Somalia haku daydo kaligii taliyaha Jibouti Ismaciil Cumar Geelle”

Madaxweynaha Jibouti oo lagu tilmaamo kaligii taliyaha qura ee ku haray Geeska Afrika wuxuu gabood fal,barakicin iyo caburin kula kacay shacabka Jamhuuriyadda Jibouti,iyadoo Xabsiyada dalkaas ka buuxaan Boqolaal qof oo arday,culumo iyo siyaasiyiin iskugu jira.

Si kastaba ha ahaatee, Waxaa todobaadkaan la sugayaa heesahii ugu badnaa ee looga jawaabi doono Habaarka heestaan XAMAR WAA DEKAANTAY.




















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog