Wasiirka Arrimaha gudaha oo sheegay in ay abaal marin qaali ah ay siinayaan cidii soo sheegta Xog ku aadan meelaha laga abaabulayo qaraxyada

Tuesday, March 19, 20130 comments


Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay shacabka inay ciidamada ku gacan siiyaan ammaanka, isagoo ka dalbaday inay soo sheegaan xogaha meelaha lagu diyaarinayo qaraxyada.

Isagoo booqanayay dadkii ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ee shalay oo ku jira Isbitaalka Madiina ayaa waxaa uu ku tilmaamay weerarkaas inuu ahaa mid argagixiso, isagoo ku eedeeyay Al-Shabaab inay dadka rayidka leynayaan.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay abaal marin lacageed oo gaaraya shan kun doolar ku bixineyso, cidii soo sheegta macluumaad ama xog ku saabsan meelaha lagu diyaarinayo qaraxyada.

“Waxaa ku bixineynaa abaal marin gaareysa 5-kun doolar cidii soo sheegta xog ama macluumaad ku saabsan meelaha kooxahan ku diyaarinayaan qaraxyada”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha oo intaa ku daray in weerarkii shalay ujeedkii laga lahaa aan laga gaarin.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay weerarkii Ismiidaaminta, isagoo xusay in dowladda ay si deg deg ah jawaab uga bixin doonto.

Hadalkan ka soo yeeray wasiirka ee ku saabsan abaal marinta kumanaanka doolarka ayaa ku soo aadeysa, xilli dowladda ay horay ugu cel celisay in qofkii soo sheega macluumaadka Al-Shabaab ama meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan inay abaal marin doonto.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog