Dhacdo layaab leh oo si weyn looga hadal haayo Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka dhacday Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, oo ka mid ah goobaha uu ugu wanaagsan yahay ammaankeeda Caasimada.
Tuug doonaayay in uu u dhaco guri ku yaala Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa xalay ku dhagtay fiilo koronto, ku soo dhacday silig ku wareegsan darbiga, gurigii uu doonaayay in uu u dhaco.
Fiilo Korontadaan ayaa si iskeeda ah ugu soo dhacday siligaan, xilli ninkaan uu doonaayay in uu guriga uu u dhaco, ayaa waxaa ku dhegtay fiilo Korontadaan, taasoo sababtay in uu goobtaasi uu ku geeriyoodo.
Saakay ayaa waxaa ninkaan loogu soo toosay meydkiisa oo yaala banaanka hore ee guriga, iyadoo dhacdadani ay layaab badan ku beertay dadka guriga iska leh.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
