Yuusuf Garaad oo dhib badan ku qaba Dadka Facebook kula Saaxiibay

Wednesday, March 20, 20130 comments


Yuusuf Garaad Cumar oo ah wariye magac weyn ku dhex leh bulshada Soomaalida ayaa wixii ka dambeeyey markii uu iska casilay shaqadii uu ka hayay BBC Somali ka mid noqday shaqsiyaadka sida weyn u isticmaala Bogga xiriirka dadweynaha ee Facebook halkaas oo uu ku soo bandhigo wixii tallo iyo tusaallo ah ee uu u arko in uu la wadaago asxaabtiisa Facebook.
  
Hase ahaatee waxaa dhib weyn uu ka haystaa badanka dadka aqrista qoraalada uu ku soo saaro Boggiisa, waayo waxaa la weydiiyaa su,aallo badan oo quseeya shaqsiyadiisa oo aanan wax xiriir ah la laheyn qoraalada uu la wadaago asxaabtiisa.

Waxaana marar qaar la arkaa Yuusuf Garaad oo si xoogaa carro ku salaysan ugu jawaabayo dadka weydiisa su,aalaha noocaas ah isagoo u sheegayo in isaga uusan aheyn mowduuca fikirka laga dhiibanaayo ee ay wax ka dhahaan waxa uu soo bandhigay ama ay isaga aamusaan.
  
Hadaba Markii aan daba galnay waxa keenay in lagu mashquulo shaqsiyada Yuusuf Garaad ayaa waxaa la ogaaday in Yuusuf uu ka soo hadli jiray Bush House gaar ahaan BBC Somali, dad badan oo dhagaysan jirayna oo isugu jiray kuwa ka heli jiray qaab uu wax u gudbin jiray iyo kuwa mucaaradsanaan jirayba aysan heli jirin qaab ay wax un ugu dhahaan wararkii uu tabin jiray.

Sidaas darteed ay maanta u heleen fursad ay ku weydiin karaan waxa ay ka aaminsanaayeen mar hadii uu soo galay Facebook oo ah meel qofka kula saaxiibka ah aad wax badan isku dhaafsan kartaan iyadoo la wada arkayo ama lawada aqrisan karo.

Waxaan Yuusuf Garaad kula talin laheyn in uu isku dayo qaabka uu u qancin karo dhagaytayashiisi hore kuwa taageersan iyo kuwa mucaaradsanba oo uusan u arkin in ay dhib weyn ku hayaan kadibna si caro leh uusan ugu jawaabin, waayo fursad ay u haystaan maanta oo horay aysan ugu heli jirin.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog