Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay dood wadaag ka dhacday xarunta cilmi baarista iyo daraasadka ee TV-ga Al-Jasiira

Wednesday, March 6, 20130 comments


Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku maraya dalka Qadar ayaa ka hadlay arimaha Soomaaliya xilli uu ka qeybgalayay kulan dood wadaag ahaa.

Madaxweyanah Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay kulan dood wadaga ah oo ka dhacay xaruunt cilmi baaris iyo daraasaad oo uu leeyahay TVga Aljasiira ee ku taala magaalada Dooxa ee dalka Qadar  ayaa si qoto dheer uga hadlay arimaha Somalia iyo wadiiqooyinka looga gudbi karo dhibaatooyinka gaamuray ee ka jira dalka.

Hadalka madaxweynaha oo u badnaa jawaabo uu ka bixinayay su’aalo kaladuwan oo kaga imanayay ka qeyb galiyaasha dooda , ayaa xusey mowqifka dowlada ee siyaasada, cadaalada, horumarka xiriirka diblomasiyadeed ee Somalia ay laleedahay caalamka ,iyo xal u helista la xiriirta suulinta koxda alqaaidada Somalia oo uu ku tlmaamay in aanu lahay jawi siyaasadeed o la wajihi karo , waxaa uu sheegey in dhamaan qodobadan ay dowladu u tafa xeeydan doonto horumarintooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia  oo wejigiisa laga dheehan karay farxad iyo reyn reyn ayaa sharaxay qorshe looga gol leeyahay hirgelinta nidaamkii cadaalada isagoo ku baaqay in wixi tagay meel la iska dhigo

Dhamaan dadkii ka qeyb galay kulanka dood wadaaga oo u badnaa aqoonyahano dhinac kasta wax ka weydiyey madaxweynaha  oo isna si lagu qanci karo uga jawaabayay su’aalaha.

Haweenka Somaliyeed oo la aaminsanyahay in kaalin weyn ay kaga jiraan horumarka bulshada ayuu madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia  ku tilmaamay in ay kaalin wax ku ool ah ka qaataan maareynta qoyska.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog