Dhalinyaro Soomaali qaxooti ah ayaa waxaa la sheegay inay jirdil xun u geysteen ciyaal Sacuudiyaan ah oo ka helay wadada xilli ay tahriib ku jireen dhalinyararadaas Soomaalida.
Qaxootigaan Soomaalida oo sida la sheegay ku jiray tahriib ayaa waxay u gacan galeen dhalinyaro Sacuudi Carabiya u dhashay oo qabtey ka dibna jirdil xun u geystay iyadoona ay halkaas ka muuqato sida mid ka mid ah dhaliyaradaas Sacuudiga ah uu si xun uga haraatinaayo madaxa xilli ay qaxootigaas Soomaaliyeed oo lagu qasbay inay dhulka seexdaan ay dhulka yaalaan uu asagana madaxa uu laad kala dhacaayo muwaadiniintaas Soomaalida ah ee qaxootinimada raadinaayey.
Ugu dambeyntiina iyadoo qaxootigaas Soomaaliyeed ay halkaas ka ka xeeyeen booliiska dalka Saciuudi Carabiya oo soo gaarey goobtaas kuwaas oo u muuqday kuwo ay ugu yeereen ciyaalkaas Sacuudiyaanka ah ayaa waxaa halkaas sidoo kale ka muuqday sida ay dhalinyaradaas wali u jirdilayeen qaxootiga Soomaalida xilli uu gobtaas ku sugan yahay booliiska dalkaas Saciuudiga, Dadka Soomaalida ayaa waxay noqdeen kuwo ku dhibaateysan meelo badan oo ka mid ah dunida daafaheeda iyadoona ay jirin cid u danqaneysa oo wax ka qabaneyso dhibka heysta dadka Soomaaliyeed.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com