Gabar Guurkeeda Ku Gor Gortan Tay iyo Lacago Dhabal ah oo ay qaadatay(dhacdo Cajiib ah)

Tuesday, March 26, 20130 comments



Wadanka South africa oo somalida Ku Nool Dumarka ay Ku Yar yihiin Inkastoo XZilliyadaan ay soo Badanayeen Ayaa Waxaa Jira Dhibaatooyin Xaga Nolosha ah ay Heystay Maadama Guur uu aad Ugu Adkaa Dumarkana Nolosha ay Labar Dhabr u Yihiin .

Waxaa Jira Dumar Yay oo Xilligaa Joogay Wadanka south africa Kuwaa oo Sharuudo adag ku xeraray Raga Guur doonka ah oo Doonaya in Nolosha Iskaabulanimada ah Ka Baxaan,Dumarkaa Sharuudaha adag Ku Xeray Raga waxaa ay Sheegan Jireen Qodobo adag oo qaarkood aysan raga ka bixin karin taana waxaa jaanis ka heli jiray rag yar oo maale qabeeno ah.

Dhacdadaan Gabadha Lagu Gor Gortamay Ayaa Sanadii 2008-da Waxaa aY kA Dhacday Deegaanka P E Ee Gobolka Eastren Cape Wadanka South africa Waxaana Gabadha ay Xariir Jaceyl La Laheyd Ilaa Dhowr wiil Kuwaa oo Mid walba uu doonayay In uu asaga Ka Dhigto Xillo Lkn Gabadha oo ayada u arkeysay jaanis In sidaa la isu gu Heysto ayaa Lacago adaga waxaa ay Dul dhigtay Madaxeeda Ninkii dhiiba oo Guntiinada Ka Furi Doono.

Sharuuda Lacageed oo ay Gabadhaan Soo Bandhigtay ayaa Waxaa ay Gaareysaa 60 Kun oo Rand Lacagta South africa Taa oo Xilligaa u dhigan Tay Shan Kun oo Dollarka Mareykanka ah, Waxaase Lacagtaana aan Ku Jirin Alaabaha kale oo ay u baahan tahay sida gurigii arooskii maherkii iyo lacagahii la siin lahaa tolkeeda taa oo hadii lagu daro gaareysaa ilaa 10 kun oo dollarka mareykanka ah.

LKn Wiilkii Kowaad ayaa Balan qaaday in uu siinayo Lacagtaa Ay sheegtay Gabadha Inta Kalena Waxaa uu u sheegay In ay Ka Tashan Doonaan Marka La Gaaro Guurka lKN WAXAA Taasi beentaa dhahay Mid Kale oo Gabadha Doonayay Kaa oo Gabadhii ugu Daray lacag 10.000kun oo rand una dhigtana kun dollar oo dheeri ah waxaase asaga kasii dheeraaday mid kale oo gabadhii u balan qaaday in uu ugu darayo 20,000 kun oo rand una dhiganta 2,500 oo dollarka mareykanka ah .

Gabadhii ayaa Qiimeyn Ku Sameysay Guud ahaan Saddaxdii Nin Lacagaha ay Balan qaadeen Waxaana ay Go,aan Satay In ay Raacdo Midka lacagtii ay codsatay ugu daray 2 kun ee dollar halka labadii kale meesha ay ka baxeen.

Arooskii Ugu cajiibka Badnaa waaa Loo dhigay Gabadhaa Waxaana ay Ayadana La Nooledn Mudo 3 Bilood ah Kadibna Waxaa isku dhaceen ayadoo si qasab ah isaga furtay.

Dhacda-dani ayaa Noqatay Tan Ugu Cajiibka Badan ee Ka Dhax Dhacda Somalida Ku Nool Dalka south africa.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog