Digniin ha Daawan Sawiradan dad xalay Muqdisho lagu laayay iyo tuhun laga qabo cida dishay iyo sababaha loo dilay.

Wednesday, March 13, 20130 comments



Habeenkii xalay ahaa ayaa magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya, gaar ahaan xaafada Gubta ee degmada Dayniille waxaa lagu khaarijiyay afar ruux oo isku meel lagu dilay, kadib markii baabuur gaashaaman goobta lagu geeyay.

Afarta ruux ee isku goobta lagu dilay oo sedax kamid ah ay noo suura gashay in aan sawirada ka helno kadib markii ruuxii afaraad ay aqoonsadeen eheladiisa goobtana laga qaaday ayaa waxaa lasheegay in ay kujireen xabsiyada Nabad Sugidda Soomaaliya ay maamusho ee ku yaalla magaalada Muqdisho, ayna dileen ciidamada nabad sugidda oo kala soo baxay xabsiyada.

Dilka xalay waxaa kahoreeyay dil habeen hore siyaaba kala duwan loogu geestay afar ruux oo kale degmooyinka Yaakhshiid iyo Dayniille, kuwaas oo eheladooda oo lahadlay saxaafada ay xaqiijiyeen in markii ugu war danbeysay ay ku jireen xabsiyada nabad sugidda ayna ugu xigtay meydkooda oo ay heleen.

Xubna katirsan nabad sugidda Soomaaliya oo diiday in magacooda lasoo xigto ayaa waxa ay xaqiijiyeen in dadka ladilay ay Shabaab ahaayeen lagana soo bixiyay xabsiya ay ku jireen oo nabad sugiddu maamusho .

Dowlada Soomaaliya wali kama hadlin dilalkaan isdaba joogga ah ee looga shakisanyahay in nabad sugiddu fulisay, waxaana dadka indheer garadka ah ay isla dhex marayaan in Fiqi oo ah ninka amarkiisa lagu laayay uu doonayo in dowlada Soomaliya uu khal khal geliyo oo uu shacabka kahor keeno madaama booskiisa lagu war geliyay in laga qaadayo oo cid kale loo magacaabayo.






























_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog