Xaafada
Towfiiq ee degmada Yaakhshiid ayaa barqanimadii maanta lagu khaarijiyay Xasan
Maxamed Warsame oo kamdi ahaa saraakiisha Ciidamada ilaalada wadooyinka ee
magaalada Muqdisho.
Taliyaha
ciidamada ilaalada wadooyinka Soomaaliyeed, Cali gab, oo saxaafada uga war
bixiyay dilka iyo sida uu u dhacay ayaa waxa uu sheegay in Warsame uu ahaa
sarkaal shilalka cabira oo shaqo badan isaga oo intaa sii raaciyay n laba wiil
oo bastoolado wata ay khaarijiyeen xilli uu doonayay in uu shaqadiisa
maalinlaha ah u soo anba boxo.
Dhanka
kale, Suuqa Bakaaraha ayaa ciidamada dowlada Soomaaliya waxa ay ku soo qabteen
10 ruux oo looga shakiyay in ay ka danbeeyeen dilka nin taksiila ah oo Suuqaasi
gudihiisa lagu khaarijiyay.
Taksiilaha
lakhaarijiyay ayaa waxaa toogtay kooxa bastoolado ku hubeysan iyada oo wixii
markaasi ka danbeeyayna ay goobta isku gadaameen ciidamada amaanka oo soo qab
qabtay 10-kaasi ruux oo si aad ah loo baarayo in ay kulugleyihiin dilka iyo in
kale.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com