Kalsoonida labada lamaane ayaa lagu tirayaa as-aaska dhismaha guriga, waxa ayna gubtanews ku siineysaa talooyin kaa caawin kara ee si degan u qaado .
*Saraaxadda :Saraaxadda ayaa ah arin muhiim ah taasina waxa ay keeneysa in ninkaada si qarsoodi aheyn kugu sheego waxa niyadiisa ku jira ee uu doonayo in uu sameeyo .
* In Aad U Sheegto Dhamaan Xaaladaada : waxaa muhiim ah in ninka ogaado xaaladaada maalintaas taasina waxa ay gacan ka geysaneysaa in uu kugu kalsoonaado .
* In Ninka La taagero Talooyinna la siiyo : In ninkaada wada fariisataan kana tashataan arimaa idin horyaal ee qoyska waxa ay gilineysaa kalsooni oo waxa uu dareemayaa in uu u baahan yahay taladaada .
* In Ra`yigiisa Aad Dhageysatid : Mar waliba ahaaw mid isaga dhageysata marka uu hadlayo hana ka jarin hadalka gaar ahaan marka uu jiro isku dhac yar .
* Ha weydiin Meesha Uu Jiray Ama Wax Uu Sameynayay: tani waxa ay dareensiineysa in aadan ku kalsooneyn ee gabaryaheey iska ilaali gubtanews.com wax ay ku leedahay sug illaa isaga uu kaaga sheego.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
