Ganacsatada Soomaaliyeed ee South Africa oo baaq u dirtay dowlada Soomaaliya

Monday, March 18, 20130 comments



Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay ku hayaan kooxo  dil iyo dhac u geysta, iyagoo ka codsaday dowlada Soomaaliya iney wax ka qabato arintaasi.

Qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Koofur Afrika ayaa ugu baaqay dowlada dhexe iyo Safaarada Soomaaliya ee dalkaasi iney wax ka qabato dhibaatooyinka ba’an ee lagu hayo ganacsata Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Koofur Africa.

Suleymaan Macalin Xuseen oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaasi ayaa sheegay in dhacdadii ugu dambeeysay shalay lagu dilay muwaadin Soomaali ah islamarkaana lagu boobay hantidiisii.

‘’Waxaan soo dhaweynayaa oon aad ugu faraxsanahay dowlada Soomaaliya oo dhalay waqti loo baahnaa,  waxaana ka codsanayaa madaxda sare ee dowlada iyo safaarada Soomaaliya ee dalka South Africa iney wax ka qabtaan dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool dalkan’’Sidaasi waxaa yiri Jamaal Macalin Xuseen oo ka md ah Soomaalida ku nool South Africa.

Boqolaal ganacsato Soomaali ah ayaa kooxo burcad South Africaan ah ku dileen dalkaasi kuna boobeen hantidoodii,  mana muuqato ilaa iyo hadda cid wax ka qabatay iyadoo sida muuqatana ay wali sii socdaan dilalka lagu baneeysanayo dhiiga iyo hantida ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. 













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog