Yuunis Aadan Xuseen oo ka mid ah saraakiisha ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa waxa uu xaqiijiyay in dagaalamayaasha Shabaab ay kala wareegeen ciidanka dowlada Soomaaliya Deegaanka Awdiinle ee degmada Berdaale ee gobalka Baay.
Al-Shabaab ayaa dib ula wareegtay deegaanka Awdiinle oo 30 km galbeed ka jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kaddib labo maalmood oo dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay uu halkaas ku dhex maray ciidanka dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaashaasi.
Yuunis Aadan Xuseen ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dagaalkaasi looga guuleestay qasaare badan oo dhimasha ahna uu jiro.
Dad tiradoodu ay gaareyso toban qof oo u badan dhinacyadii dagaallamayay ayaa ku dhintay dagaalka, waxaana la sheegayaa inuu dagaalka ku fiday deegaanno kale oo u dhaxeeya Awdiinle iyo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in qax uu ka bilaawday deegaanda uu dagaalkaasi ku foolka leeyahay iyada oo arintaasi ay murugo ku abuureyso wasaarada gaashaandhigga Soomaaliya oo horay ugu goodin jirtayin ay Al-shahab cirib tireyso oo goodinteedii ay u muuqato mid aan rumoobin
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
