Munaasabadani
oo ay ku qalinjebinayeen ilaa sagaal arday oo dhameysatay heerka labaad
jaamacadda ee master Digriiga ayaa maanta lagu qabtey magaalada Muqdisho.
Xaflada
qalin jabinta aheyd waxaa ka soo qeyb galey guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya
kuxigeenkiisa, wasiirro, xildhibaanno iyo aqoonyahano kala duwan kuwaasi oo dhamaantood ka hadlay muhiimada ay
u leedahay waxbarsahada heerka labaad ee jaamacadda.
Ugu
horeyntii waxaa goobta ka hadley guddoomiyaha jaamacada Hope University Najiib
Sheekh C/kariim isagoo sheegay in marxalado kala duwan ay soo mareen ardayda
maanta shahaadooyinka la guddoonsiiyay.
Guddoomiyaha
baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed
Sheekh Cusmaan “Jawaare” oo isna goobta
hadallo kajeediyey ayaa talaabo horumarleh kutilmaamey qalinjebinta
ardayda maanta munasabada loo qabtey.
Dowladda
Soomaaliya ayaa horey u balan qaadey in shaqo abuuris loo
sameyndoono dhalinyarada Soomaliyeeed ee soo dhameysta waxbarashada
jaamacadaha.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com