Qiso Dhab ah oo ku cibrad qaadasho mudan Dhagayso ama daawo qeybta hoose ee qoraalkeyga ama ka raadi bogga www.gubtanews.com Sheekh C/Casiis xasan Yacqub.
Waxaan ahaan Sodon jir markay xaaskeyga dhashay wiilkeyga ugu horeeya ee caruurteyda weli waan xasuustaa habeenkaa waxa kula caweeynayey niman aan saaxiibo nahay meel aan wada fariisanay oo aan ku sheekaysanay oo Sal bacaad ah, waxayd ahayd caweyn ay ka buuxdo hadal maran oo faaruq ah oo aanan macno lahayn.
Bal xan iyo faalooyin xaaraan ah iyo xikmad daro, waxaan ahaan aniga mid badi ka qosliya ee ugu dheereeye xamashada dadka iyo xifaaleentooda iyagoo intaasi qoslaya waxaa xasuustaa habeen, habeenkaasi in aan aad ugu qosliyey waxaan aad ugu fiicnaa jilida dadka kale waxana awooday in aan badalo codkeyga si aan u matalo qofka aan xamanayo ama aan ku jees jeesayo, cidna igama nabad gelin xitaa saaxiibadey ilaa heer ay igaaga fodaadaan si ay ugu nabad galaan carabkeyga.
Waxaa xasuustaa in habeenkaasi aan ku dheel dheelayay Abshir indhoole oo ahaa miskiin tuuksada Suuqa waxaana ka darnayd taa in aan u dhigo jilaafo wuuna taran turooday ileen waa jiisee oo dhacay isagoo yaaban oo garanaynin wuxuu yiraahdo markaasa la dhacay qosol laga maqlay seylada oo dhan, waxaa u laabtay gurigaygi sida caadada tahay goor danbe waxana la kulmay xaaskeyga oo isugaysa waxay ku sugneyd xaalad laga naxo, waxay igu tiri cod murugeysan Raashidoow Xagay jirtay waxaan iri anigoo ku dheel dheelaya xidiga maaris dabcan waxaa la caweynayey asxaabteyda.
Waxaa ka muuqday xaaskeyga daal iyo diif, waxay tiri iyadoo ay ka qubanayaan indhaheeda ilmo waan xanuun sanayaa waxana iheysa fool waan dhali rabaa waxana kusoo dhacay ilin dhabankeeda waxaan dareemay in aan dayacay heerkeygii waxay ahayd in aan daryeelo oo aan iska yareeyo dibad wareega iyo dib jirnimada weliba iyadoo ku jirto bishii sagaalaad waxaan u qaaday isbitaalka si deg deg ah waxana la geliyey qolka lagu dhalo,waxay daremeysay oo foolanaysay saacado badan.
Waxaan sugo dhalmadeeda oo aan ku sabro xanuunka haaya waxaa cuslaaday dhalinteeda ilaa aan daalay ka dib ayaa waxa aaday gurigii waxana uga tagay qolada isbitaalka nambarkeyga si ay ii soo wacaan markii ay dhasho Saacad ka dib ayay isoo waceen waxayna igu bishaareeyeen dhalashada Saalim waxaa durba aday isbitaalkii markii aan u tagayna waxay igu dhaheen u tag dhaqtarada basle aniga waxa ku dooday in aan rabo in aan arko wiilkeyga saalim balse markii danbe ayaa ku qasbanaaday markaa u galay taqtaradii waxay ka yara sheekaysay musiibadaha iyo ku raali ahaan shaha qadarta alle.
Waxay tiri wiilkaada waxaa hubanti ah in uusan wax arkaynin oo araga ka daboolay madaxayga ayaa hoos u dhigay anigoo ka hortagaya ilmo kusoo istaagtay indhahayga waxa soo xasuustay abshir indhoole iyo sidii aan u galay, Sidaasi aad wax u gasho ayaa laguu gala adigane waxan iga soo bixi waayey hadalkii waanan garan waayey wixii aan iraahdo, ka dib waxaa soo xasuustay xaaskeygii iyo wiilkeygii waxan uga mahad celiyey dhaqtaradii wanaageeda.
Xaaskeyga ma murugoonin ee waxay ku raali ahayd qadarta Alle waxayd ahayd raaliyad waxay in badan igu waani jirtay in aan iska daayo xumaatada aan afuufayo iyo ku dheel dheelida iyo xamashada dadka islaameed.
Halkani Ka daawo Qisada oo dhamaystiran Sheekh Cabdi Casiis Xasan Yacquub

_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com