Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ku hanjabay in dib ula
wareegayaan degmada Xudur ee Gobolka Bakool, halkaasoo Axadii la soo dhaafay ay
la wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab, kadib markii ay ka baxeen Ciidamadii
dowladda iyo kuwa Itoobiya.
War
saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo afka Ingiriiska ku
qornaa ayaa lagu sheegay in Xukuumada ay dib ula wareegeyso degmada Xudur,
isagoo si kulul u cambaareeyay dilkii wadaad caan ahaa oo lagu dilay degmadaas.
“Xukuumada
waxay wadaa qorshayaal ay ku dooneyso inay mar kale dib kula wareegto Xudur,
waana cambaareyneynaa dilka Sheekh C/raxmaan Macalin Warsame oo 75-jir
ahaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo
kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falka lagu dilay Sheekh C/raxmaan uu
ahaa mid aad u fool xun, waxaana uu balan qaaday in Xukuumadiisa ay ku
dadaaleyso sidii ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay dib ugu laaban
lahaayeen Xudur.
“Al-Shabaab
waa ka saareynaa degmada Xudur, falalkooda guracan nagama hor-joogsaneyso inaan
horay u sii socono”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.
Degmada
Xudur oo xarun u ah Gobolka Bakool ayaa muddo sanad ah waxaa gacanta ku hayay
ciidamada dowladda oo taageero ka helayay kuwa Itoobiya, inkastoo markii ay
sanad kadib isaga baxeen ay dib ugu soo laabteen dagaalyahanada Shabaab.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
