Buddhist ee dalka Japan ayaa leh hab dadku cajiib ah oo ay u soo dhaweeyaan kala wareega xilliyada, gaar ahaan waxay leeyihiin caado ay u macasalaameeyaan waqtiga dayrta iyo dhaqan ay u soo dhaweeyaan xilliga gu?ga.
Xuska xafladda waqti macasalaamaynta iyo waqti soo dhawaynta oo la yidhaa Hiwatari-Matsuri ayaa wadaadada Buddhist ee Japan waxay cagaagni amma kabo la?aan ku dhex ciyaraan dab ololaaya, iyagoo aaminsan in haddii ay sidaa sameeyaan ay maskaxdooda iyo jidhkoodaba ka nadiifinayaan nasiib xumida iyo si ay ugu baryaan in xilligaas noqdo mid ammaan ah oo nabad ugu soo gala.
Ciyaartan halista ah waxay dhacdaa sannad kasta, gaar ahaan bilawga bisha March, waxaana ka qaybqaata kumanaan qof oo dhex lugeeya kabo la?aan dab si aad ah loo holciyey (shiday).
Dabkan oo la yidha Goma ayaa wadaadada Shingon Buddhist oo ku labisan dharka dhaqankooda dabkan dhex maraan, iyagoo sita seef ay u isticmalaan wax ay sheegeen in ay ku dilayaan shaydaan goobta dabku ka baxaayo jooga.
Wadaadan oo loo yaqaan Shugenja ayaa sameeya leebab ololaaya si ay ugu dilaan wax ugu yeedhaan shaydaan ruuxda, halka qaar kalena ay naftooda ku dhex ridaan biyo la yidhaa Bamboo oo baylaya.
Waddadan iyagu dabka dhuxusha dhex mara marka uu aad u shidan yahay, marka dhuxusho bakhtidana waxa loo ogolaada dadka shicibka ah in ay iyagu ku dabaaldegaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com