Video Naxdin Badan Wiil Aabihiis Toorey Si Live Ah Ugu Dilay : Digniin Dumarka Uurka Lahi Iyo Caruurta Waa Ka Mamnuuc :

Saturday, March 9, 20130 comments



walal waa codsi hadii adan awoodin ha daawan dumarka waa ka mabnuuc iyo ilmaha yar yar.

Dhacdo naxdin iyo murugo leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday magaalada Istanbuul ee dalkaas Turkiga ka dib markii uu wiil si arxan daro ah oo bini’aadanimadana ka baxsan uu aabihiis uu u dilay islamarkaana uu mindi uu si xun nafta uga qaaday aabihii dhalay.

Wiilkaan naxariis laawaha ah oo lagu magacaabo Axmed U. oo 20 sano jir ah lana noolaa hooyadiis ayaa la shaagay inuu mudaba uu baadi goob ugu jirey aabihii dhalay oo lagu magacaabi jirey Salih Akkoyun oo 47 sano jir ahaa taas oo ay ka dibna ay is heleen iyagoona ku kulmay xaafada lagu magacaabo I.skenderpas,a oo ku taala magaalada Istanbuul ee dalkaas Turkiga iyadoona uu kulkankaas ku bilowday si caadi ah iyo inay halkaas kuwada qaxweeyaan wiilkaas iyo aabihiis, Laakiin mudo ka dib ayaa waxaa labadaas soo kala dhexgalay muran weyn taas oo keentay inuu aabihii uu isaga kacay kulankii oo uu damcay inuu ka baxsado goobta laakiin wiilkiisii ayaa si naxariis daro ah uga daba yimid islamarkaana ku bilaabay inuu tooreey kala dhaco xaga dambee ee qoorta asagoona si arxan daro ah uu wiilkaas aabihiis uu ula dhacay tooreydaas ilaa uu dhullka la dhacay odaygaas miskiinka, Laakiin wiilkaas ayaan wali intaas uga harin oo aabihii afka ka haraantiyey mindidiina si xun ula sii dhacay asagoona intaas ka dib uu wiilkaas si xarago leh uu meesha isaga dhaqaaqay xilli uu aabihiis halkaas la rafanaayey dhaawaca iyo xanuunka uu u geystey wiilkiisa.

Ugu dambeyntiina iyadoo uu aabahaasi uu isla goobtaas ugu dhintey dhaawacii uu u geystey wiilkiisa ayaa waxay arinta kale ee la yaabka leh ay tahay sida ay dad badan oo ka mid ahaa dadkii goobtaas ku sugnaa iyo kuwii ku soo mareyba intuu odeygaas dhaawaca ahaa ee uu rafanaayey aysan jirin cid caawineysay ninkaas uu goobtaas ku dilay wiilkiisa, iyadoona markii dambe ay goobtaas soo gaareen ciidanka booliisku xilli uu ninkaas geeriyooday, Wiilkaas naxariis laawaha ah ayaan waxaa la ogeyn sababta uu sidaas arxan darada ah ugu dilay aabihiis, laakiin waxay wararku sheegayaan inuu aabahaas uu wiilkaas ku deyriyey hooyadiis ilaa iyo markii uu dhashay oo wiilkana arintaas ka xanaaqsanaa, Laakiin dad badan ayaa aaminsan inaysan arintaasi ahayn sabab qof ku kalifi karto inuu sameeyo falkaas arxan darada ah iyo wax u dhowba.

HADII AAD AWOODO HALKA HOOSE RIIX EE DAAWO DUMARKA UURKA LAHI WAA KA MABNUUC??????














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog