Haweeney Ninkeeda oo Mayed ah 12 Sano Ku Heystay Guriga Maxaey Tahay Sababta (Aqriso)

Monday, March 4, 20130 comments



Police-ka magaalada Hong Gong ayaa sheegay in baaritaan dheer ay sameeyeen iyagoo la kaashanayay dad deris lahaa haweeneyda ay ku ogaadeen in ninku uu dhintay sanado ka hor balse haweeneydu ay qarineysay geerida ninkeeda.

Dad badan oo ku nool caalamka ayaa la yaabay Haweeney da’ ah oo u dhalatay dalka Shiinaha oo degeneyd magaalada Hong Gong ayaa qarineysay dhimashada ninkeeda 12 sano, sababta ayaana lagu sheegay in ay dooneysay in ay sii degenaato gurigii ay wada degnaayeen oo kirada ay dhiibi jirtay xukuumadda kadib markii ninkeeda uu noqday howl gab isagoo u shaqeyn jiray dowladda.

Haweeneydan oo 79 sano jir ah ayaa ka hor qiratay Maxkamadda in ay iyada saxiixi jirtay warqadaha rasmiga ee ay usoo diraan xukuumadda ee ku saabsan guriga kadib markii ay baratay qaabka uu wax u saxiixi jiray seygeeda ama ninkeeda si aysan u weynin guriga ay degeneyd ee ku saxiixnaa ninkeeda.

Haweeneydan ayaa kiiska lagu soo eedeeyay waxaa lagu sheegay in uu ahaa qiyaano iyo saxiixa ninkeeda oo ay isticmaashay oo ay usii dheer tahay been ay sheegtay inta uu socday baaritaanka lagu ogaaday geerida ninkeeda.

Qaadiga maxkamadda ayaa sheegay isagoo eegaya qirashadeeda iyo da’da ay jirto in laga cafiyay mudada dheer ee xabsiga ee lagu fulin lahaa dambigeeda balse waxaa lagu xukumay 4 bil oo xarig ah.

Dad badan oo ku nool dalka Shiinaha ayaa sheegay in markii hore ay layaabeen haweeneydan qarisay dhimashada ninkeeda balse marka maxkamaddu ay xaqiijisay sababta ay u qarisay ay qireen in ay ku sax saneyd in ay qariso, maxkaamdda ayayna ku eedeeyen in haweeneydu ay aheyd in laga sii dhiibo kirada guriga xitaa haddii uu geeriyoodo seygeeda maadaama uu isaga xukuumadda u shaqeyn jirays ando badan.

Inta badan dalal kala duwan ayaa waxaa ka dhaca arrimaha nuucan oo kale ah iyadoo la qarinayo qofka marka uu dhinto si loo helo lacagaha howl gabka ah ee ay qaadanayen taasoo ugu dambeyntii loo maxkamadeeyo dadka sameeyay falalkaas sida haweeneydan oo kale.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog