Jen. Sheekh Yuusuf Indha Cadde “Daqiiqad ama saacad xataa ima xiri karto AMISOM”

Thursday, March 21, 20130 comments



Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa beeniyay in shalay Ciidamo ka tirsan AMISOM ay muddo kooban xireen, kadib markii uu muran soo dhex galay isaga iyo Askar ka mid ah Ciidamada ilaalada ka haya garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu sheegay inay waxba kama jiraan tahay in isaga la xiray, hase ahaatee waxaa uu qiray in markii uu sii galayay gudaha garoonka uu qori ku qabtay askari ka mid ah AMISOM, taasna ay muranka keentay sida uu yiri.

“Dalkan dowlad ayuu leeyahay, Madaxweyne ayuu leeyahay, Maxkamad ayaa jirta iyo Xukuumad, aniga sharci ayaa leygu xiri karaa, qeybaha dalka ka kooban yahay ayaana i xiri kara”ayuu yiri Jen. Indha Cadde oo xusay inuu ka mid yahay Saraakiisha ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in aanay AMISOM daqiiqad ama saacad xiri karin, isla markaana uu sharciga kaliya xiri karo sida uu yirio.

Maalinimadii shalay ayay aheyd markii warar soo baxayay ay sheegayeen in Jen. Indha Cadde lagu xiray garoonka, mar uu sii galayay, kadib muran dhex maray isaga iyo Ciidamada AMISOM, iyadoo goob joogayaal ay sheegeen inay arkayeen isagoo gacmaha laga katiinadeeyay oo loo kaxeeyay dhinaca Xalane, inkastoo muddo kooban kadib la sii daayay.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog