Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta,
saacado kadib markii Gudiga madax banaan ee doorashooyinka uu ku dhawaaqay
natiijada rasmiga ah ee doorashada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku
baaqay in xasilooni iyo degenaansho loo muujiyo natiijada doorashada.
“Iyada oo dad aad u farabadan oo lagu
qiyaasay 85%oo shacabka reer Kenya ah ay fursad u heleen in ay doortaan
masuulkiii hogaamin lahaa waxaan u hambalyeeynayaa shacabka reer Kenya sida ay
waajibaadkooda wadaninimo u guteen oo ay u codeeyeen, doorashada, waxaana xusid
mudan sida nabadgelyada ay ku dheehan tahay oo ay doorashadu u dhacday”ayuu
lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in
dowladdiisa iyo shacabka Soomaaliyed ay u hambalyeynayaan Madaxweynaha la
doortay Uhuru Kenyatta, isagoo ka dhawaajiyay inuu diyar u yahay inuu sii wado
xiriirka xoogan ee ka dhaxeeya labada dal.
“Waxaan aaminsanahay in dhammaan
shacabka Kenya ay si nabad ku jirto ay uga jawaabi doonaan natiijada
doorashada, hadii ay jirto dareen dhab ah oo la xiriira khilaaf waa in loo
maraa wadada sharciga, si mar kale ay u dhicin khaladaadkii horay u dhacay”ayuu
yiri.
“Amniga iyo xasilnaashaha Bariga
Afrika waxaa ka taagan walaac, anaga oo dhanna waa inaan si nabad ah uga wada
shaqeynaa. Dhamaan walaalaheena reer Kenya, iyo madaxdooda waxaan ugu baaqeynaa
inay xushmeeyaan qiimaha nafta bini’aadanka iyo hantidooda”
Uhuru Kenyatta ayaa ku guuleystay
doorashada madaxtinimada dalka Kenya, kadib doorasho muddo shan maalmood
socotay, waxaana uu noqday Madaxweynihii afaraad ee ugu da’da yar ee loo doorta
xilka madaxtinimada Kenya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com