Dhacdo la yaab leh ayaa todobaadkii
hore dabayaaqadii ka dhacdey magaalada
Muqdisho, kadib markii gabar baadi goobeysay lamaanaheeda looga kala cararay
maqaayad ay soo gashay.
Gabadhan oo wadatay Indho Shareer
ayaa ku soo leexatay dad fadhiyay banaanka hore ee maqaayada, iyadoo dadka
halkaasi fadhiyay uu ka mid ahaa wiil dhalinyaro ah oo maalmo uu joogey
magaalada.
Wiilka oo ka argagaxay gabadha indho
shareerka wadata ee ku soo socota ayaa ku cararay gudaha maqaayada oo markii
dambe ay ka daba gashay, iyadoo dooneysay in ay la hadasho, hase yeeshee isaga
uu u heysto in ay dooneysay in ay is qarxiso.
Taasi oo keentay in dadkii goobta ku
sugnaa ay laftooda cararaan, ayagoo ka ordayay wixii uu wiilki arkey oo aysan
si rasmi ah u fahamsaneyn.
Goor dambe ayaa la ogaadey in gabadha
aysan miineysneyn, kadib markii rag qoryo watay ay qoryo ku qabteen, lana baaray,
hase yeshe gabadha oo argagaxsan ayaa sheegtay in wiilka oo ay u heystay wiil
xiriir uu ka dhaxeeyay oo dalka ka maqnaa, mudana ay ay weysneyd uu ahaa.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com