Mid kamid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed oo mar qura isku badashay Wariye Barnaamij ka aqrisa Tv-ga Universal

Saturday, March 23, 20130 comments



Fanaanadda Caanka Ah Ee Nimco Degan Oo U Digarogatay Dhanka Mihnadda Saxaafadda
Fanaanada caanka ah ee laga wada yaqaano dhulka ay soomaalidu degto Nimo Degan ayaa u digarogatay dhanka mihnadda saxaafadda 

Waxaanay si toos ah ugu biirtay Universal TV oo ay ka soo jeedin doonto barnaaij cusub oo lamagac baxay ‘’iiwad sheekada’’

Nimco Degan ayaa ka mid ah fanaaniinta soomaaliyeed kuwooda loogu jecelyahay wakhtigan ugu jilista wanaagsan.

Dadweynaha somaaliyeed ee sida joogta ah u daawada barnaamijyada ka baxa telefiishanka Universal ayaa habeen kii xalay ahaa mar qudhaata ku warhelay fanaanada Nimco Degan oo soo jeedinaysa barnaamij cusub oo la magac baxay iiwad sheekada.

Barnaamijkan oo isugu jira suugaan,sheekooyin xiise badan,iyo majaajilo ayaa si toos ah uga baxi doona habeenkasta oo khamiis ah telefiishanka Universal.

Iiwad sheekada waa barnaamij bedel u noqon doona barnaamijkii nala fiidso ee ay soo jeedin jirtay Aamina Muuse Weheliye oo haatan ka mid ah wariyayaasha ka howlgala HCTV.

Fanaanada codka baxsan ee Nimco Degan ayaa ka mid ah fanaaniinta fara ku tiriska ah ee ay ka muuqato haybada fanku,waxaanay hore u qaaday heeso badan oo aad loo jeclaystay.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog