Fanaanka Caanka ah ee ka soo jeeda Dalka Masar Mustafa Qamar ayaa walaac
xoogan ka muujiyay xatooyo lugu sameeyay qaar ka mid ah Albunadiisa waxa uuna
sheegay in uu arkay heeshiisa oo ay dad kale ku codeenayaan iyaga oo aan wax
xusitaan ah ku samaynayn.
Waxa
uu sheegay in uu sameeyay baaritaano dheeraad ah islamarkaana waxa uu sheegay
in uu soo ogaaday in ay isticmalaan heesahiisa qayba ka mid ah Fanaaniin uu ku
tilmaamay in ay yihiin kuwa xad gudbiya kula kacay Albunadiisa.
Fanaanka
ayaa sheegay in kooxaha Falkaa ku kacay ay yihiin kooxa aan Fanaaniin
lugu tilmaami karin oo tuuga ah sida uu hadalka u dhigay waxa uuna cabasho ka
muujiyay Falalkaa haatan ku soo kordhay Fanka wadamada Carabta .
Wadamada
Masar iyo Lubnaan ayaa inta badan lugu tiriyaa dalalka dhanka Fanka looga
danbeeyo waxana dhoor jeer oo hore dhacday in ay Fanaaniinta Labada dal ay isku
qabteen howlo la xariira Fanka Labada Dal.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com