![]() |
Daqiiqado
yar ka hor waxaa magaalada Nyon ee dalka Switzerland lagu soo gaba gabeeyay
Xafladii isku aadka ama Qori tuurka koobka Horyaalada Yurub ee Uefa Champions
oo ay iskugu soo hareen 8-kooxood.
Xafladaan
oo ay goob joog ka ahaayeen maamulka ugu sareeya xiriirka Uefa ee Qaarada Yurub
iyo Madax kale oo ka socotay kooxaha koobkaan iskugu soo haray ayaa waxaa lagu
sharfay in uu kooxaha isku aadiyo Xiddigii hore ee Qaranka Ingiriiska iyo
kooxaha Fc Liverpool,Real Madrid iyo Manchester City Steve McManaman.
Qori
tuurkaan ayaa sida horay loo sii saadaaliyay waxaa laga cabsi qabay in ay isku
dhacaan kooxo waa weeyn oo waliba isku Dal ka soo wada jeeda balse taas ma
dhicin oo inta badan kooxaha waa weeyn ayaa ku aaday kooxo yar yar balse xili
ciyaareedkaan aanan la dhaleeysan karin.
KOOXAHA
KOOBKA CHAMPIONS LEAGUE AYAA QAABKAAN ISKUGU DHACAY :
Fc
Malaga Vs Borussia Dortmund
Real
Madrid Vs Galatasaray
Paris
Saint-Germain Vs Fc Barcelona
Fc
Bayern Munchen Vs Juventus.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com