Muxuu ugu jecel yahay nolol-maalmeedkisa Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud

Wednesday, March 6, 20130 comments



Inta uusan Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud xilka Qaran qabanin, waxa uu ahaa shaqsi Arrimaha Bulshada siiba howlaha samafalka iyo waxbarashada xirfad u ahayd aadna ugu soo caan baxay.

Xassan Sheikh oo ahaa Prof. 57-Jir ah, waxa uu inta uusan masraxa Siyaasadda soo fuulin iska ahaa nin ku nool dabaqada Dhexe, waxeyna isaga iyo labadiisa Xaas kala deganaayen Muqdisho iyo Nairobi, maadama uu isagu door-biday inuu ku nagaado Magaaladda Nairobi, oo ay Hay'addaha samafalka Caalamiga fariisin u ahayd.

Xassan Sheikh Maxamuud waxa uu ahaa Masuul aad u jecel inay Saxaafadda tooshka ku iftiimiyan Howlihiisa samafalka iyo Nashaadaadka Xibigiisa (PDP).

Bilowgii bishii Sept. ee kal hore waxa uu si la yaab leh ugu Guuleystay Doorashadda madaxtinimadda Somalia, taasi oo uu ku kasbaday Ololihiisa Siyaasadeed oo dibada iyo gudaha laga maalgalinayay.

Shaqsi kasta marka uu xil sare (Heer Qaran) waxaa isbedel ku yimaada hab dhaqankiisa iyo nolol maalmedkiisa, waayo waxa uu shaqsigaasi madaxa la galay nolol ka duwan noloshiisa hore, Xil ka duwan waxay mehradiisa ahayd, saaxiibo ka duwan saaxiibadiisa hore.

Taasi oo ay jirto, ayaa waxaa marag-ma-doonta ah in Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud shaqsiyadiisa, Dabeecadiisa, Nolol maalmeedkiisa iyo Hab dhaqankiisa la mid ahayn sidii uu ahaa xiligii uu ahaa Hormuudkii Machadka SIMAD iyo xiligii uu ahaa Guddoomiyaha Hay'adihii samafalka.

Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud oo horay jeebkiisa wax uga Kharaj-gareyn jiray (Noloshiisa, tan qoyskiisa iyo adeegyada kale sida safarada, kireynta Hotelada, iwm), haatan xaaladu saas ma aha.

Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud, oo aan bilowgii sanadkii 2001-dii kula kulmay Machadka SIMAD, waxa uu ii sheegay inuu aad u jecel yahay Saxaafadda, waxa uuna si gaar ah farta iigu fiiqay inuu aad u dhageysto mid ka mid ah Idaacadaha FM-yada Muqdisho, .

Tan iyo markii uu xafiis iyo hooy ka dhigtay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia waxaa Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud diirada la raacay Suxufiyiinta iyo Hay'addaha xuquuqul insaanka iyo kuwa dabagalka Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, si ay u ogaadaan nolosha iyo shaqada cusub ee Madaxweynaha.

Qodobka ugu muhiimsan ee Hadal-heynta ka dhex-jirta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa ah xooraansiyo ku saabsan Cuntooyinka uu xiiseeyo Madaxweynaha, Talooyinka La-taliyaashiisa iyo Safaradda xad-dhaafka noqday ee uu marba diyaarad ku tamashleynayo.

Cunto-kariyaasha madbaqa ama kushiinka Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa kuwo mashquul ah marka la eego cunto-kariyayaashii Madaxweynihii hore ee Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Weriye ka tirsan Wakaalada Wararka ee AFP oo dhawaan booqday Xarunta Madaxtooyada ayaa waxa uu isha la raacay Cuntada uu Madaxweyne Xassan uu quraac ahaan u cunayay.

Weriyaha oo lagu magacaabo Boris Bachorz waxa uu xusay in Madaxweynuhu horyaalleen Saxan beer ari ah, Khudaar iyo Mushaariyo (Porridge), iyadoo Madaxweynaha uu Xilligaas hadal ka dhageysanayay La-taliyayaashisa oo iyaguna isha ku hayay cuntada ay ku cunayeen qolka Cuntada (The dining room) ee Villa Somalia.

Madaxweynaha oo xiligaas u muuqday mid daneynayay U-qeybsanahiisa Dhinaca isgaarsiinta oo lagu magacaabo Maalik Cabdalla ka akhrinayay Laptop-kiisa warbixin ku saabsan War-saxaafadeed ay Kooxda Alshabaab ka soo saartay Khilaafka kala dhexeeya Taliyihii hore ee Abu Mansuur Al-amriiki oo reer Mareykan ah.

La-taliyaha Madaxweynaha (Maalik Cabdalla) ayaa waxa uu cod dheer ugu sheegay Madaxweynaha inay Kooxda Alshababa doonayan inay Fariin u diraan Maal-galiyayaashooda si ay ugu sheegan inay Alshabaab mid tahay.

Si kastaba ha ahaatee, dad xog-ogaal u ah Hab-dhaqanka Madxaweynaha ayaa rumeysan inuu Madaxweynaha ugu jecel yahay nolol maalmedkiisa arimahan soo socda:-

1- DHANKA SIYAASADDA:-

. Waxa uu jecel yahay La-kulanka Diplomaasiyiinta (Min Madaxweyne ilaa Sarkaal hoose).

. Waxa uu jecel yahay inuu isla sawiro Madaxda uu la kulmo.

.Waxa uu ka gaabsada inuu Siyaasadda gudaha kala hadlo Madaxda dalalka Dariska.

. Waxa uu jecel yahay inuu Qaabilo Madaxda ku darajada ah ee Wasiirada Somalia ama Hay'addaha kale.

. Waxa uu neceb yahay inuu faragalin ku sameeyo Hay'adaha Fulinta iyo Sharci dajinta.

. Waxa uu jecel yahay inuu Khudbado shactaro leh u jeediyo kulamada Jaaliyaha Soomaalida ee Qurbaha ku nool, oo iyagu Madaxweynaha ugu magacdaray (Siyaasi majaajiliiste ah).

. Waxa uu neceb yahay Siyaasiyiinta isaga naqdisa , Tooshka Saxaafadda, Dibadbaxyada looga soo horjeedo iyo in isaga lagu tilmaamo Madaxa Sare ee kooxda Damjadiid ee xilalka ka haya Laamaha Dowladda, iyo kuwa La-taliyayaasha u ah.


Waxa uu neceb yahay inuu qaabilo Warbaahinada gudaha (Tv-yada iyo Idaacadaha Maxaiga), isagoo had iyo jeer u hamuun qaba inay Wareysiyo la yeeshaan Tv-yada iyo Idaacadaha Dibada..

. Waxa uu jecel yahay inuu ku dhex tamashleeyo gudaha Madaxtooyada iyo inuu sheeda ka daawado muuqaalka Guud ee Muqdisho siiba xaafadaha dabaqyada leh.

. Ma jeclo inuu daawado ama kormeer ku tago Xerooyinka barakacayaasha ee cooshadaha iyo bacaha ka sameysan, gaar ahaan kuwa ku hoosyaala dagaandaga Madaxtooyada Villa Somalia

2- DHANKA LABISKA:-

. Marka uu safarada aadayo waxa uu jecel yahay inay labiska (Style) u soo xusho Marwadiisa (First Lady).

. Waxa uu jecel yahay inuu ku labisto Shaatiyada Buluuga ah ee Diilimaha leh.

. Waxa uu jecel yahay inuu qaato Jaakoyinka Madow-xigeen oo Astaanta Calanka Somalia lagu dhajiyay.

. Waxa uu jecel yahay inuu qaato kabaha Tipo Italia ee aan afka dhuubneen.

3- DHANKA CUNTADA:-

QURAAC AHAAN:- Waxaa la sheegaa inuu jecel yahay inuu cunno Beer ari, Canjeero, Mushaariyo iyo Faakiheysi kale.

QADADA:- Caadiyan waxaa la sheegaa inuu jecel yahay inuu ku qadeeyo Bariis, Hilib ari, digaag ama kalluun shiilan, Maraq ari, Ansalaatoni, Baasto Alfoorno iyo Sharaab noocyada Caana-geel, Mango juice, iyo Mushakal.

CASHADA:- Waxa la sheegaa inuu jecel yahay inuu ku Casheeyo Casho fudud sida Rooti iyo Kaluun, Muufo iyo Hilib Suqaar ama Kalaankal iyo habeenada Jimcaha oo uu jecel yahay inuu cunno cuntada dhaqanka, gaar ahaan Fal-faliir ama Cambuulada la dubay.

Cunta-kariyayaasha Madaxweynaha ayaa laga soo xigtay inuu Madaxweynaha dhif-dhif qado ahaan u dalbado in loo sameeyo Soor (Galleey la shiiday) iyo Hilib maraq leh iyo caano geel (Caano fadhi), inkastoo Madaxweynihii ka horeeyay ee Sheikh Shariif uu aad u jeclaa Soorta iyo Hilibka dhaylada ah.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxda Soomaalida siiba Saddaxda Masuul ee ugu sareysa ayaa lagu tilmaama kuwo ka muuqaal fiican (Dhogor ahaan) marka loo eego sidii ay ahaayeen markii xilalkaasi Qaran loo doortay, inkastoo ay far ku godan tahay Arrintaasi.



W/Q. Weriye: Anwar Bakhiit
Madaxa Falanqeynta Siyaasadda
Email:- wararka@live.se









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog