Ninkaagu Waa Weji Macbuus? Xalka Hoo. . .

Monday, March 18, 20130 comments

Waxaa laga yaabaab in ninkaagu weji macbuus yahay marwalba adina aad garan la’dahay sidaa uga saari lahayd oo uga dhigi lahayd nin faraxsan oo kuu furfuran. gubtanews.com ayaa ku siinaya talooyin aad ninkaaga ku farax gelin karto ee gabaryahay dhegahaaga fur.

Ku Dadaal in ay cuntadiisu ama cuntadu diyaar u tahay.

Ha u arkin saaxibadaa ninkaada iyo ehelkiisaba iyo qaraabadiisa marti culeys kugu ah hana dhibsan waligaa.

Haka bad badin in aad xanuuno aad dareemeyso u buun-buuniso haddii ayna kuwo aan laga maarmeyn.

Ha Badin booqashada aad ugu baxeyso ehelkaada, saaxibaadada ,iyo dariska iyo in ehelka aad kaga soo dhaxdo maxaa yeelay raggu uma dul qaadan karaan in badan arintaas.

Marka uu guriga soo galo kaga hor tag waji furan iyo hal ku dhigyo wanaagsan.

Ka taxadir in sirta lamaanhaaga midda wanaagsan iyo midda xunba aad dibada u saarto.

Dhibaatooyinkaada qoys waligaa ha kala sheekeysan saaxibadaa iyo goobaha la isugu yimaado.



Dhiibo fikirkaaga ku aadan arinkaan:













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog