Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) “Hubka waxaa lagu iibinayo wadooyinka Magaalada Muqdisho raalina waxaa ka ah…”

Monday, March 18, 20130 comments


Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo mar kamid ahaa hogaamiya kooxeedyadii dalka Soomaaliya soo maray ayaa eedeyn tii ugu xooganeed u soo jeediyay guud ahaan taliska ciidamada Soomaaliyeed.

Indhacadde ayaa yiri, “Dhamaan taliska ciidanka Soomaaliyeed, hanoqdo Meleteri, Police iyo Nabad sugid waxa ay lasocdaan hub lagu kalaiibsado dariiqyada Muqdisho. Raalli ayeey ka yihiin. Arintaasi waxa ay u baahantahay fara gelin dowlada Soomaaliya madaxdeedu ay ku sameeyaan”.

Yuusuf Maxamed Siyaad ayaa waxa uu hoosta kaxariiqay in aysan jirin cid ay ka qarsoontahay goobaha hubka lagu iibiyo ee Muqdisho, xitaa isugu uu si aad ah u garanayo goobhaasi.

Eedeynta Indhacadde waxaa ay imaaneysaa iyada oo dhawaan laga qaaday Soomaaliya cunaqabateynta hubka looguna baaqay in ay ku guuleysato qaabkii hubkaasi ay u xadidi laheyd.

Lama oga taliska Ciidanka Soomaliyeed canbareynta uga timid wasiiru dowlihii hore ee gaashaandhigga, Indhacadde, iyada oo ay xusid mudantahay in taliska meleteriga Soomaaliyeed ay yihiin rag shaqada ku cusub oo xilkaasi dhawaan uun qabtay.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog