Faah
faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo xalay laga maqlay degmada
Diinsoor ee Gobolka Baay, halkaasoo la sheegay in xarun ay Al-Shababa ku
diyaarinayeen waxyaabaha qarxa ay ku qaraxday.
Sida
ay sheegayaan dadka deegaanka qaraxan oo si weyn looga maqlay degmada ayaa u
maleeynayay inuu ahaa duqeyn diyaarad ay geysatay, hase ahaatee markii dambe ay
ogaadeen in qaraxa ahaa mid ka dhex dhacay xarun Al-Shabaab lahaayeen.
Xarunta
Qaraxa ka dhacay ayaa aheyd Garoon Kubada Koleyga lagu ciyaari jiray oo
Al-Shabaab ka dhigteen saldhig milateri, iyadoo qaraxa uu ka dhashay gaari
waxyaabaha qarxa lagu diyaarinayay.
Lama
oga qasaaraha ka dhashay qaraxa, inkastoo goobta qaraxa ay isku gedaameen
Xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan degmada Diinsoor.
Gudoomiyaha
degmada Diinsoor ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa gaari
Al-Shabaab waxyaabaha qarxa ku diyaarinayeen, isla markaana qorshihiisa ahaa in
weerar ismiidaamin ah lagaga geysto magaalada Baydhabo.
Sidoo
kale waxaa uu Gudoomiyuhu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen ilaa tobaneeyo ruux
oo isugu jiray saraakiil diyaarinayay iyo dadkii fulin lahaa weerarka, inkastoo
Gudoomiyahan uu dibad joog ka yahay degmada uu ku magacaaban yahay ee Diinsoor.
Ma
ahan markii u horeysay ee goob Al-Shabaab ku diyaariyaan waxyabaha qarxa uu
qarax ka dhaco, iyadoo horaantii bishan uu qarax ka dhacay degmada Buulo Burde
ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo xarun Al-Shabaab ku farsameynayeen waxyaabaha
qarxa uu ku qarxay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
