Ciidamada
AMISOM ayaa goor dhow xabsiga u taxaabay Jen. Yuusuf Siyaad Indha Cadde oo
horay u soo noqday Wasiiru dowlihii Wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumadii Cumar
Cabdirashiid, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.
Sida
ay sheegayaan wararka Jen. Indha Cadde ayaa la xiray, kadib markii uu is
hor-taag ku sameeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo uu doonayay
inuu galo.
Qof
goob jooge ah ayaa sheegaya in Jen. Indha Cadde oo watay Ilaalo hubeysan ay u
diideen garoonka in la galo, lagana baxo, kadib markii uu uu ka caroodayay
qaabka loo baarayay dad la socday oo sida la sheegay ka dhoofayay garoonka
diyaaradaha.
Wararka
qaar ayaa sheegaya in Jen. Indha Cadde markii dambe uu gawaari ku hor-gooyay
albaabka garoonka, dabadeedna ku goodiyay in aan la gelin karin lagana bixin
karin.
Intaas
kadib ayaa Ciidamo ka tirsan AMISOM ku hareereeyeen, isla markaana gacmaha ka
katiinadeeyay, iyagoo u kaxeeyay dhinaca Xalane oo ah halka saldhiga ugu weyn
ay ku leeyihiin Ciidamada AMISOM.
Goor
dhow ayaa la sheegay in habsami u socodka gelida iyo ka soo bixida garoonka
diyaaradaha uu caadi ku soo laabtay, waxaana ammaanka Garoonka diyaarada aad u
adkeeyay Ciidamada AMISOM oo gawaaridooda qafilan lagu arkayay banaanka garoonka.
Wixii
ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
