Wariye C/casiis Cabdinuur Koronto oo goor xoriyadiisa dib u helay

Monday, March 18, 20130 comments



Wariye C/casiis Cabdinuur Koronto ayaa goor dhow dib u helay xoriyadiisa, kadib markii Maxkamada sare ee dalka ay ku dhawaaqday in aanu wax dambi ah laheyn.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Ceydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf ayaa hadalkan kaga dhawaaqay kadib markii qareenada Wariyaha ay dib u fureen dacwada, kana qaateen racfaan labaad xukunkii lixda bilood.

Maxkamada oo muddo saacado socotay ayaa kama dambeys waxaa uu Gudoomiyaha Maxkamada sare u qiray in Wariye C/casiis Koronto aanu wax dambi ah laheyn, isla markaana xoriyadiisa dib loogu celiyo.

Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamada sare ayaa si dadban u qiray qaladaad ay galeen heerarka kala duwan ee maxkamadaha ee ku howlanaa dacwada iyo maxkamadeynta Wariyaha, isagoo tilmaamay in booliska howsha ay qabteen ay ka aheyd dadaal oo ugala jeeday xarigii ay u geysteen Wariye Koronto iyo haweeneydii la kufsaday.
  
Gudoomiyaha Maxkamada sare Ceydiid Ilkaxanaf ayaa sidoo kale shuruud hor dhigay Wariye C/casiis Koronto, isagoo u sheegay in wax mag dhow ah uusan dalban karin, isla markaana uusan dawad uusan ku soo oogi karin kiiskiisa.

Agaasimaha Radio Dalsan Xasan Cali Geesey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sii deynta Wariye C/casiis Koronto, isagoo u mahad celiyay dhinacyadii dadaalka u galay sii deyntiisa iyo inuu dib u helo xoriyadiisa.

Si kastaba ha ahaatee Wariye C/casiis Cabdinuur Koronto ayaa tan iyo bishii Janaayo xabsiga ku jiray, iyadoo mudadaas ay dowladda ku eedeyneysay inuu sameeyay been abuur ku aadan wareysi uu ka qaaday haweeney la kufsaday, inkastoo wareysiga aanu ka sii deyn Idaacada.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog